Wefti Wasiir Warancadde Hogaaminayo Oo Hargeysa Ka Ambabaxay

0
815

Hargeysa(Halsan): -Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo wefti uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay daminta xiisad ka dhalatay shaqaaqo dhex martay laba beelood oo wada dega degmada Guumays ee ka tirsan gobolka Sool.

 

Labadii bishan July ayaa degaanka Guumays waxaa lagu dilay laba nin, waxaana ku dhaawacmay 6 ruux. Ragga dhintay ayaa ka soo jeeda beesha Sacad Yoonis(Habaryoonis), halka kuwa loo aanaynayo dilkuna yihiin beesha Jaamac Siyaad ee Dhulbahante.

 

Wasiirka arrimaha gudaha iyo weftigiisa oo maanta ka ambabaxay Hargeysa, ayaa sheegay inay labadaasi beelood khilaafkooda dhammaynayaan “Waxaynu la soconaa in dalkeenu nabad yahay, oo laga gudbay dagaaladii sokeeye iyo dhibaatooyinkii dhici jiray, haseyeeshee waxaa inagu hadhay wax la yidhaa aano qabiil, taas oo beelaha waxyaabo hore oo u dhexeeyay ay wax ku dhex maraan” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiir Warancadde oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Waxaynu doonaynaa inaynu fidmada halkeeda ku qabano oo qofkii wax gaystay sidiisa u qabano, oo aynaan gacan siin. Sidaas darteed waxaan bulshada Somaliland gaar ahaan gobolada bariga oo hawlahaasi ku badan yihiin ugu baaqayaa inaan fidmada halkeeda la dhaafin oo aan qofka daallinka ah loo hiilin ee ka madluunka ah loo hiiliyo”.

Wasiirku waxa uu bulshada ugu baaqay inaan la qarin qofka dilka gaysta balse farta lagu fiiqo loona soo gacan galiyo  Ciidamada Amaanka iyo caddaaladda dalka.

 

Shaqaaqada degaankaasi ka dhacday waxaa sii wadida ammaanka gacan laxaad leh ka qaatay ciidamada qaranka Somaliland oo kala dhexgalay beelaha dirirtu u dhexaysay islamarkaana waxay ka hor tageen in khasaare intaasi ka badan ka dhaco degaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here