Ciidamada FBI-da Mareykanka waxa ay sheegayaa inay hadda weerarkii arbacadii lagu qaaday California uu ahaa mid “argagixiso”.
Afar iyo toban qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi oo ka dhacay magaalada San Bernardino, kaas oo ay fuliyeen lamaane lagu kala magacaabo Sayid Faaruuq iyo Tashfeen Malik.
Afhayeen u hadlay FBI-da oo lagu magacaabo, David Bowdich, waxa uu sheegay inay baaritaan ku sameeyeen warar sheegayay in haweeneyda weerarka ka qeybgashay ay wacad iyo ballanqaad u fidisay hogaamiyaha kooxda Daacish oo ay Facebook ku qortay.
Mr Bowdich waxa uu sheegay in telefoono laga helay meelaha qashinka lagu daadiyo ee xarunta la weeraray.
Waxa uu sheegay in lamaanahan ay isku deyeen inay baabi’iyaan farriimaha ku jiray telefoonka, laakiin baaritaan lagu sameeyay si loo ogaado waxa ku dhiirageliyay tallaabadan.
Laakiin agaasimaha guud ee FBI-da, James Comey ayaa sheegay inaysan haynin cadeyn muujineysa in lamaanaha weerarka ka dambeeyay ay xiriir la lahaayeen koox Xagjir ah.
Qareenada u doodaya qoyska lamaaha weerarka lagu eedeeyay waxa ay sheegayaan inaysan haynin ama aysan jirin cadeyn ah in ay ka mid ahaayeen koox mintidiin ah.
Qareenada oo kala ah, David Chesley iyo Mohamed Abuurashid, waxa ay shir saxaafadeed ka sheegeen in marna aan looga shakin in Sayid Faaruuq iyo xaaskiisa Tashfeen Malik ay weerar noocan ah geysan karaan.
Source: BBC