WEERAR AY ISU GEYSTEEN KOOXAHA GARABYADA KU HIRDAMAYA XISBIGA KULMIYE HUTEELKA CROWN IYO MADAXTOOYADA IYO SIDA AY WAX U DHACEEN

0
616

Hargeysa(Halsan):-Mid kamid ah Garabyada ku hirdamaya Xisbi Xaakimka Kulmiye, ayaa weerar ku ekaysiiyay Koox kale oo iyaguna kamid ah Garabyada ku hirdamaya isla Xisbiga Kulmiye oo Kulan balan ah ku lahaa Xarunta Madaxtooyada,si ay Madaxweynaha ula kulmaan.

Labada Garab ee hirdanka iyo Rabshadu dhex martey caweysinkan caawa Huteelka Carown ee Magaalada Hargeysa ayaa , lagu sheegay in Garabka taageersan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ay ku horeeyeen weerarka iyagoo damacsanaa in ay iska hortaagaan Kooxda Duqeyda iyo Waxgaradka ah ee ka socdey Garabka Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo iyagu balan ku lahaa Qasriga Madaxtooyada si ay ula kulmaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, iyadoo kulankani daarnaa xiisada ka aloosan Kulmiye dhexdiisa loolanka ay dhinacyadu isku hayaan.

Sida ay tibaaxayaan wararka arintan la xidhiidha weerarka hore oo ka dhacay Huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa,  taageerayaashiisa mudanka ah oo isugu jira Duqey iyo Waxgarad lasoo xuley haseyeeshee, waxa mar labaad hadana weerar ku ekaysiiyay nawaaxiga qasriga Madaxtooyada intii aaney gudaha u galin xarunta Kooxda taageersan Muuse Biixi(Gudoomiyaha Kulmiye), dhacdadaas oo aheyd mid xaraaradeedu adkeyd waxa Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu ku hakiyeen in ay dibada uga saaraan Xarunta Madaxtooyada Kooxda weerarka geysatey sida ay xaqiijiyeen dad goob joog ahi, iyadoo dhinaca Garabka Maxamed Biixi Yoonis loo ogolaaday in ay iska wataan kulankoodii loo balansanaa ee Madaxweynaha.

Dhacdadan ayaa, dad badani u arkeen in ay wax badan u dhimayso Geedi socodka Siyaasadeed ee loolanka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyadoo, maalmihii u dambeeyay qaar kamid ah taageerayaashiisu, guulo ku sheeganayeen in fursadaha ugu badan ee loolanku wakhtigan banaanka uyaalo Gudoomiye Muuse Biixi laakiin dhacdadani waxa ay raad labaad ku yeelaneysaa weeraro hore loogu eedayn jirey Kulmiye dhexdiisa in Gudoomiyihu lug ku leeyahay balse, si dhab ah loma oga in uu kula socdo Kooxdan iyo inkale.

wixii kasoo kordha kala soco wararka danbe iyo cida hogaaminaysa weerarka garabka muuse biixi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here