Waxgaradka Somaliland oo Ka Hadlay Sida Uu U Socdo Shirka Heshiisiinta Beelaha Ceelafwayn
Burco(Halsan):- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa dadaal dheer iyo hawl culus kadib waxa uu shalay ku guulaystay inuu furo shirkii nabadaynta beelaha Walaalaha ee shaqaaqadu dhex martay ee Wada dega Deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag, shirkaasi oo ergo culus oo reer Somaliland oo dhan ka socotaa iyo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsani ay iskugu tagtay,Waxaanu shirkaasi hadda si hamsami ah uga socdaa Goobta gogosha la dhigay oo la isku soo hor fadhiisiyay labeenta oday dhaqameedka Beelaha Dirirtu dhex martay oo dhawaan gacmaha la isku saari doono.
Wasiirka Maxamed Kaahin Axmed oo bilihii ugu dambeeyay ku sugnaa Deegaankaasi shirka nabadayntu ka socdo ayaa si rasmi ah nasiib ugu yeeshay inuu shirkaasi
furo kadib culays badan oo siyaasadeed oo kaga imanayay Jihooyin badan oo aan jeclayn inuu shirkaasi furmo oo la heshiisiiyo beelahaasi walaalaha ah.
Oday Axmed Xuseen Faarax oo Warbaahinta la hadlay Shalay ayaa si nuux nuuxsaday arimahaasi waxaana uu yidhi “Waxaa Illaahay Mahadii ah in Wasiirkeena Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed uu dadaal dheer iyo hawl badan kadib uu ku guulaystay inuu si rasmi ah oo habsami ah u furo shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha ee Ceel Afweyn,waxaan Alle ka baryaynaa inuu Ergada halkaasi iskugu timid ee Reer Somaliland ee sheikh iyo shariifba leh uu ka aqbalo ducadooda oo uu beelahaasi walaaleeyo”.