“WAXBA YAAN LA WADWADIN ARINTA YUUSUF SHAACIR, OO AAN LAGA DHIGIN IN UU SOMALILAND KA RIDOOBAY, ISAGA AYAA GUNTA SOO TAABAN DOONA E”CALI GURAY.

0
278

“WAXBA YAAN LA WADWADIN ARINTA YUUSUF SHAACIR, OO AAN LAGA DHIGIN IN UU SOMALILAND KA RIDOOBAY, ISAGA AYAA GUNTA SOO TAABAN DOONA E”CALI GURAY.

“Yuusuf Shaacir Waxan u aqaan suugaan dhaadhi ka mid ah Haldoorka jiilkiisa kuwa ugu mudan. Go’aankiisa uu kaga mid noqday guddida ay magacawday Wasaaradda Hidaha Iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Federaalka Somalia marka hore waan ku Ixtiraamayaa oo waa go’aan shakhsi. Balse mabda’ ahaan waan ka aragti duwanahay.

 

Anigu mabda’ ahaan waxan diidanahay in guddida afka soomaaliga ay magacawdo Wasaaradda HTS ee Muqdisho iyo in sida ay wax u waddo Akadamiga Afka Soomaaligu uu noqdo haya’d hoos tagta Wasaaraddaasi xaruntiisuna ay Muqdisho noqoto. Waa hadii uu yahay Akadami dhex u ah oo ay wada leeyihiin inta Af Soomaaliga ku hadasha oo dhami. Hadii arinka guddidan iyo Akadamiga la sheegayaa uu yahay wax u gaar ah Somalia Yuusufna keligii uu xubin Somaliland ah ka yahay dabcan isaga ayay nuqsaan ku noqon kartaa siiba marka aynu og nahay xidhiidhka dhinaca siyaasadda ee Somaliland iyo Somalia oo xataa saamayn ku yeesha arimaha ka baxsan siyaasadda. Weliba dhinaca Somaliland heerka ay arimuhu gaadhaan waynu og nahay oo gabadh fanaanad ah oo intay Xamar tagtay habeen ka heestay oo aan wax dembi ah ka gelin Somaliland ayaa ku nabad geliwayday waayo waxay u dhalatay Somaliland iyadoo la og yahay fanaaniinta dhigeeda ah ee ka soo jeeda Somalia aan wax dhibaato ah looga arkin Hargeysa iyo Muqdisho midna

Markaa waxan leeyahay waxba yaan la wadwadin arinta Yuusuf oo aan laga dhigin isagana in uu Somaliland ka ridoobay ama dembi ka galay isaga ayaa gunta soo taaban doona eh

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here