Wasiiro Iska Casilaya Xukuumadda Silaanyo

0
788

Warar lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya in Wasiiro ka tirsan xukuumadda Silaanyo ay maalmaha soo socda iska casili doonaan Xilalkii ay wasaaraddaha ay Masuulka ka ahaayeen. Wasiiradda oo aananu jeclayn inaanu magacyadooda kasii hor dhacno ayaa waxay go’aankooda iscaasilaadeed ku sibir-saabeen saluug wayn oo ay ka muujiyeen baryahan dambe hogaamintii Madaxweyne Axmed sillaanyo iyo iyadoo arinkii noqday is dhexyaac iyo kala dambayn la’aan. Xubnaha Wasiiradaas waxay intaa ku dareen in kaliya ay u yimaadeen markii la magacaabay Dhismayaal Cusub oo qurux badan iyo Xafiisyo bilicsan. Haseyeeshee aan meesha arin iyo Dawladnimo wanaagsani meesha ool oo aanay ugu iman. Wasiiradan go;aankoodu dhaawaan soo ifbixi doono ayaa tilmaamay inay markoodii hore uu ahaa rabitaankoodu  inay dadkooda iyo dalkooda wax taraan balse  waxay intaa ku dareen inay ku hungoobeen.

 

Halsan Media Group