Wasiiro Aakhiro-Sabaan!

0
745

shucayb iyo marwadaIntaan Madaxweyne siilaanyo lagala wareegin hogaaminta maamul ee dalka ee isaga loo doortay waxaa kamid ahaa xukuumadiisa Xubno wasiiro ah oo kasoo Jeeda Beesha Sacad Muuse ,kuwaas  oo aad u miisaan cuslaa marka loo eego  aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo dadnimadooda ba. Islamarkaana , gudaha beesha ay kasoo jeedaan iyo bulshada Somaliland ba qadarin ku leh. Ragaa waxaa ka mid ahaa; Eng  Maxamed Xashi Cilmi, Boobe Yusuf Ducaale , Cabdicasiis Maxumed Samaale, Dr Maxamed Cabdillahi Cumar, Dr Axmed Xashi Cabdi iyo Abiib Diiriye Nuur. Xubnahaa aan sare ku xusay ee miisaanka culus leh waxay dhamaan wasiiro kasoo noqdeen Xukuumada siilaanyo wakhtigii uu talinayey ee uu talada lahaa. Haseyeeshee,  markay talada dalka gacanta ku dhigeen kooxdii Oday siilaanyo kala wareegtay maamulka dalka hormoodna ay u tahay Marwo Khadiija Macalin waxaa xubnaha sare ku xusani damiirkoodu siin waayey inay kasii mid noqdaan golaha wasiirada Somaliland iyaga oo si  toosa ugu hor yimid habdhanqanka ay wadeen kooxda dalka la wareegtay, kadib qaarkood toos ayey isaga casileen xilalkii wasiirnimo intii kalena markii ay kooxda dalka haysataa maqleen inay iscasilayaan ayey sheegeen inay xilalkii ka qaadeen.

Haddaba,   Beesha Sacad Muuse go’aanka ay  ka qaateen  Maamul qarqooshka  dalka ka jira iyo sida uu maamulkaasi u quustay. kadib Hiilkii iyo hoodii beeshu isla garabtaagtay Madaxweyne siilaanyo doorashadii 2010 kii iyo xumaha maamulkani kula kacay beesha sacad muuse sida Dilka ,Xadhiga iwm. Waxay beesha Sacad  Muse go;aansatay “ anti-silaanyo administration”  iyada oo ay beeshu kala siman tahay dhibaatadaa beelo badan oo kale. Arintaa markii ay ogaatay kooxa dalka ka talisaa islamarkaana habqaybsiga kuraasta  wasiirnimo ee dalku ku dhisan yahay qabiil, waxay wasiiro ka dhigteen xubno magaca beesha uun sita balse aan u tirsanayn talada reerkana aan waligood wax laga weydiin , qaarkoodna aan waligood  xilal dawladeed aan soo qaban, saaxada siyaasada dalka iyo mid horeba aan lagu soo arag. Sheekaduse waxay ahayd ku BUUXI cid magacaa wadata !!! tirada ku buuxso!!!!

Xubnahaasi waa Shucayb Maxamed Muuse. Muuse Qaasim Cumar, Samsam Cabdi Adan, Maxamed Aw Daahir Ibraahim . ma jecli inaan raaciyo Mansabyada wasiirnimo ee loo dhiibtay waayo ma’aha kuwa ay Beesha Sacad Muuse ku matalaan.  Waxaanse yara raacin lahaa siday ku heleen xilalkaa. Maalin aan Gaadhay Gabiley ayaa xubin kamid ah xildhibaanada Golaha degaanka ee  gabiley oo aanan jeclayn  inaan xuso magaciisa ayaa ii cadeeyey lacagaha tirada badan ee Marwo khadiija macalin gabiley ka dal-dalato uuna siin jiray Maayorkii wakhtigaa Shucayb M Muse taas oo ah mida uu ku helay Wasiirnimada faalsada ah, maadaama baryahan dambe marwadu tahay gudoomiyaha kooxda dalka la wareegtay.  Muse qaasim isna waa la ogaa waxa uu ku helay waa dagaalkii siyaasadeed ee wakhtigaa ka dhexeeyey Muse Bixi iyo Cabdi casiis ee ay madaxtooyadu warmaha isugu dhiibtay ayaa waxa uu isgarabtaagay mid ka mid ah oo markaa dawlada kamid ahaa sidaasaanu ku helay wasiirnimada. Maxamed aw daahirna waxa uu ku helay “ Meesha Banaan Buuxi”  isna intaa ku dhaaf, Muraayo Garaadna waxay ku heshay Madbakha Madaxtooyada oo ay ka mid ahaan jirtay wakhtigii kulmiye mucaaridka ahaa dumarka basasha goo’gooysa.

Gabagabadii;  Hadal waxa uu ku dhan yahay Ciwaanka Maqaalka ee ah “  Wasiiro Aakhiro-Sabaan”

Cabdirasaaq Askar

Halsan Media Group

Hargeysa ,Somaliland

shucayb wasiirka beeraha maxamed aw dahir Dr Muse qasim samsam a adan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here