Wasiirku Xigeenka Xukuumada Silaanyo Uqaabilsan Gobolka Saaxil Cali Gadheer Oo Amray Xadhiga 10 Xubnood Oo Iskugujira Mujaahidiin Iyo Waxgarad

0
655

Berbera(Halsan):-Wasiirkuxigeenka Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi oo Dhawaan Xukumada Madaxweyne Silaanyo u Soo Magacowday Wakiilka Dawlada u fadhiya Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil,,islamarkaana ka degan Aqalka Madaxtooyada ayaa Wararka aanu ka helayno Tibaxayaan, in uu Taliyayaasha Booliska iyo Sirdoonka Gobolka Saaxil u gudbiyey Waaran Qabasho ah oo lagu soo xidhay 10 Xubnood oo isugu jira Mujaahid iyo waxgarad,kuwaas oo habeenkii xaley ahaa kulan ay wado yesheen,kaga hor yimi Mashruuca Dhaxal Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera ee uu Hormuudka ka yahay. ilaa hada War Rasmi ah lagama hayo Sababta keentay Amarka Xadhiga 10 Mujaahid,Waxaana ay u muuqataa Talaabadani mid Rumeynaysa,Tuhunkii ay dadka Reer Berbera ka qabeen oo ahaa in Awooda Dawladeed ee Wakiilnimada ah uu Wasiir Cali Gadheer u Soo qaatey hirgalinta, Mashruuca Wareejinta Hamaha Shidaalka Berbera. Talaabadani uu qaadey Wasiirkuxigeenka Xanaanada Xoolaha ahna Wakiilka Dawlada u qaabilsan Gobolka Saaxil Cali Gadheer ayaa Muuqata mid keeni karta Kacdoon dadweyne oo ka bilaabma Gobolka Saaxil, iyadoo Marka horeba Xaalada Magalada Berbera, ay aheyd Mid kacsan,

Source: Oodweynenews