Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyadda Oo Loo Diiday Inuu Ka Qaybgalo Shirkii Ka Socday Deegaanka Caynabo Iyo Suldaanka Guud Ee Beelaha Barriga Burco Oo Xaal Siiyey

0
642

Caynabo(Halsan): –  Waftigan uu hogaaminayay wasiirkii Hore ee wasaarada madaxtooyada Somaliland  Xirsi Cali Xaaji Xasan isla markaana ay ka mid ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka degmada Burco ayaa maanta laga Horjoogsaday  inay ka qayb galaan Shirkii Uga socday beesha Yoonis cabdiraxmaan magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar.

Waxaan waftidan markii ay  gaadheen istabta laga gallo magaalada caynaba ay ciidamada Booliska ee Istabtaasi ay u diiday waftidan inay galaan magaalada isla markaana ay qabaan amar kaga yimi hogaankooda sare.

Waxaa gabagabadiina waftidan loo ogolaaday Inay galaan kana qayb galaan shirwaynaha usoo xidhmayay ee Beesha Yoonis Cabdiraxmaan uga socday magaalada caynaba balse waxaan ilaa hada La garanayn sababta kaliftay inay ciidamadu ay waftidan u diidan Inay ka qayb galaan shirkaasi iyo cida amarkaasi bixisay.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda oo isagu  markii danbe ka hadlay madashaasi ayaa nasiibdaro ku tilmaamay ficilkaasi, isagoo sidoo kale si wayn uga hadlay diwaangalinta codbixiyayaasha oo uu ku guubaabiyey bulshaddaasi inay si fiican uga qaybgaataan.

Dhinaca kale Suldaan C/laahi Suldaan Cali Muuse suldaanka Guud ee barriga Burco ayaa xaal iyo raali galin ka bixiyey ficilka lagu dhaqmay Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda, kaas oo tilmaamay inaanay arrintaasi kula soconin cidkasta oo ka danbaysay.