Hargaysa(Halsan):- Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada S/land Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa maalinta bari dalka ku soo guryo noqonaya ,Maxamed C/laahi Cumar ayaa soo dhawayntiis iyo qaban qaabadeeda laga dareemayaa Magaalada Hargaysa iyo Xurinta Xisbiga Kulmiye.iyadoo la filayo Dr Maxamed C/laahi Cumar a in si wayn ugu soo dhaweeyaan Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargaysa Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada Xukuumada S/land
Socdaalka Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada S/land Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa qayb ka ah kaadh qaadashada kamid noqoshada Golaha dhexe ee Xisbiga iyo sidoo kale ka qayb qaadashada shirka Golaha Dhexe la filayo 10 bisha danbe in uu ka qabsoomo Hargaysa
Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada S/land Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa waxay saaxiib dhawyihiin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo halkii uu iska taagay tageeridiisa xiligii Madaxwayne Siilaanyo Muuse Biixi khilaafka Xisbigu soo kala dhex galay taas oo markii danbe galaaftay Xilkii Wasiirnimo ee Maxamed C/laahi ka haye Xukuumada
waxaana lafilayaa in saamayn badan oo tageero uu Maxamed C/laahi Cumar ku yeesho tageerida Muj Muuse Biixi Cabdi musharaxnimadiis