Wasiirka Wasaaarada Biyaha Somaliland Oo ka hadlay Dededaalka Xukuumaddu Ka Wado Gobolada Bariga

0
599

Wasiirka Wasaaarada Biyaha Somaliland  Oo ka hadlay Dededaalka Xukuumaddu Ka Wado Gobolada Bariga

 

Hargeysa(Halsan):-Waqtigii Isticmaarku/Gumaystuhu uu qaybinayey xuduudaha Africa umu qaybin qaab ku dhisan Qabaa’il in deegmadu isu raacaan cidna ma u waydiin dhanka u raacinyo Reerna ma ay dooran .Bal’se waxay ahyd qaybin uu isticmaalay qaab juquraafiya oo ku dhisnaa waxa loo yaqaano Dhig iyo Lool ama afka qalaad “longitude/Altitude “ oo ahaa The participation of Africa ay ku qaybsanyeen gumeystihii waqtigaa joogay .
Hadaba maanta dad badan oo reer Somaliland Ehel ahaan ka mid ahi waxay deegan ahaan ka mid yihiin dalka Djbouti, Dad badan oo ka mida dadkii la odhan jiray“ NFD” waxa iyaguna ka mid yihiin dalka Kenya! Shucuub kale oo iyaguna Ehel ahaan halkan ka soo jeeda ayaa ka mida dalka Ethiopia.
Kuwaas baa ku andacoon lahaan eheladayadii baanu raacaynaa oo la dal noqonaynaa, balse waxay ogyihiin in aanay taasi jirin oo xad iyo xuduuudo jiraan oo wadamadu leeyihiin kuna iimaan qabaan halkaa nasiib koodu raaciyey.

Anigu deegaan ahaan waxaan ka soo jeedaa degmada Taleex, magaalada aan ka soo jeedo Garoowe waa dagmooyinka ay iskugu dhowyihiin ;Puntland /Somalia waxay haystay mudo “Todoba iyo Toban “ sano waqtigaa intaa leeg ee ay xukumaysay iskadaa baahiyihii asaasigaaye aqal dawladeed kamay dhisin.
Lix bilood gudahood oo ay Somaliland gacanta ku dhigtay ayaa waxa laga hirgaliyey adeegyaashi bulshada oo dhan sida gurigii Gudoomiya,Dawlada hoose, iyo Kii Martida ee degmada; waxa kaloo laga horgaliyey xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho ku dhawad lacag dhan “Shan-boqol kun “ oo dollor ba dawladu ku bixisay.

Waxaan xasuustaa waqtigii aan iskuulka dhigan jiray marka aan fasaxa ku tagayo deegankaygi waxaan sii mari jiray Garoowe oo waagaa ahyd Tuulo yar marka Taleex loo eego maantana waad aragtaan markaad Muuq-baahiyaha ka daawanaysan siday u dhisantay.
Markaa hadii ehel-deegaan la isu raacayo dee Taleex baa dhismi lahayd oo ka mida meelaha Afrika ugu tariikhda iyo faca weyn.
Hadaba waxay tahay caqliyada saxa in lagu dhaqamo xuduudihii uu isticmaarku inoo dhigay yihiin sharciga ay Afrika iyo dunidu ku wada nooshahay.
Somaliland waa dal xudoodo la le wadamo badan oo ay ka mid yihiin Dalka aynu walaal nahy ee Somalila,Ethopia,iyo Djibouti.