“Wasiirka Warfaafintu Xog Ogaal Uma Aha, Warbaahinta Madaxa Banaan” Maxamed Baashe

0
795

“Wasiirka Warfaafintu Xog Ogaal Uma Aha, Warbaahinta Madaxa Banaan” Maxamed Baashe

Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelintu waxa muuqata in aanu xogogaal u ahayn warbaahinta madaxabannaan iyo waayaheeda.

Waayo ma aanu barbardhigeen wadhato suuqa wax ku iibisa oo kharashka joogtada ah ee ka baxaa ka yar yahay kharashka ka baxa TV marka la eego waxsoosaarka labada meheradood iyo kharashyada baxa.

TV-yadu waxa ay bixiyaan lacago badan oo joogto ah oo mararka qaarkood xilliyada qaar kabitaan u baahda sida:

  1. Airtime qaali ah (satellite)
    2. Kiro guri oo aan sahlanayn
    3. Laydh, biyo iyo internet
    4. Lacag shaqaale oo ah (mushahaaro ama khidmad)
    5. Qalab si joogta ah dayactir ugu baahan
    6. Shiidaal iyo stationary joogto ah iwm

Sidaas oo ay tahay ilaha kharashku ka soo galaa ma badna.
1. Xayaysiis aan badnayn, la iskuna hallayn karin
2. Wararka oo qaar lacag yar laga qaado
3. Barnaaminyo aan badnayn oo maalgelin hela iwm.

Marka aan kaashado waayo-aragnimadayda muddo aan ka soo shaqeeyey TV madaxbannaan, sida ay isku bixiyaan waa “feedh iyo harraati”.

Waxa kale oo jirta in dhaqaalaha waddanku hoos u dhac weyn sameeyey muddooyinkii dambe, sicir-bararkiina uu halkiisii yahay.

Taasi waxa ay keentay kalsooni-darro soo foodsaartay dhaqdhaqaaqii suuqa iyo wareeggii lacagta markii dadkii wax iibsanayey yaraadeen.

Marka ay sidaas tahay, waa hubaal in aanay TV-yadu qaadi karin cashuuro xaf-dhaaf ah oo lagu soo rogo. Ma lihi yaan cashuur laga qaadin, hase yeeshee waa in cashuurta laga qaadayaa aanay ku keenin culays geyeysiiya in TV badani xidhmaan.

Warbaahinta madaxabannaani uma baahna ka takhalus dadban, wax se ay u baahan tahay xeerar dhiqi kara iyo tayayn waxsoosaar.

Fiiro Gaar ah: ogow iminkaba uma shaqeeyo warbaahinta madaxabannaan iyo ta aan madaxabannaanaynba’e.

Maxamed Baashe Xaaji Xasan