Wasiirka Warfaafinta : “Waxaan cambaareyneynaa falka wuxushnimada leh ee loo adeegsaday gaari miineysan..”

0
632

Muqdisho( Halsan ) :-Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerar argagaxiso oo ka dhacay Magaalada Kismaayo.

“Waxaan cambaareyneynaa falkaasi wuxushnimada leh ee loo adeegsaday gaari miineysan, laguna bartilmaameedsaday xarun lagu tababarayay cutubyo ka tirsan ciidamada isku dhafka ah ee ciidanka xoogga dalka, falkaasi waxa uu qeyb ka yahay falalka ay argagixisadu dooneyso inay ku qal qalgelisyo dadaallada ay dowladdu iyo maamul goboleedyadu ugu jiraan dhismaha ciidamada isku dhafka ah ee Xoogga dalka,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiir Maareeye ayaa mar kale yiri “Dowladda uma adkeysan doonto in argagixisadu ay joogteeyaan falalka ay dadka ku dhibaateynayaan, waxaan hore u qaadnay talaabooyin muhiim ah oo maleeshiyaadka shabaab looga saaraayo gooboha yar oo ay wax ka soo abuubuli jireen sida Baardheere, diinsoor iyo deegaano kale oo badan.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta wuxuu tacsi u dirayaa qoysaska dhibanayaasha, waxaan Alle uga baryaynaa inta ku dhaawacantay in uu Alle bogsiiyo.