Wasiirka uugu hadalka xun iyo xildhibaanka uugu hagar-daamada badan by Abdi Mustafe

0
735

Wasiir ka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali markaad khud-bada hiisa dhegeysato aad baad u nacaysaa sabab too ah waa nin yar oo isla weyn oo kibir badan oo dadkaba u arka duqsi. Mar wal uu hadlo waxa ka muuqata cadho aad ka fahmayso in uu leeyey maxay dadku isla waalayaan walaahi in aan jailka ku wada guri iyo is mahadin aad u balaadhan. Xirsi gobal wal uu tagaba wuxuu u yeedhaa Mayarada ama Cali Xoor xoor oo dekeda heysta wuxuuna ka qaadaa kumanaan dollar oo uu uugu sheego in uu hawlo ku fulinaayo. Waxa dhacday in mareeyaha Biyaha Hargiesa uu ka qaatay boqol kun oo dollar uuna sheegay in maaliyada loogu soo dari doono. Markii waxba lagu soo dari waayay ayuu mareeyihi u yimi oo lacagtii weydiiyey. Wuxuu uugu jawaabay Silaanyo ayaan waraaq kaaga soo qaadayaa in aad iga masaxdo lacagtaa. maareeyihii ayaa lafa hiisa u baqay oo yidhi iska daa hadaa waxba ha ka soo qaadin e. Wasiirada iyo cid wal ba wuxuu ku bajiyaa oo uu caado u leeyey Silaanyo ayaan warqad kaaga keenayaa iyo Madaxweynaha ayaan bal u sheegayaa arinkaa isaga oo dadka baqa gelinaya. Xirsi magaalo wal oo uu joogaba sidaas buu lacagta kaga gurtaa madaxda joogta oo mid waliba shaqada ayaa lagaa eryi buu is yidhaa. Xirsi Silaanyo oo keliya uuma shaqeeyo ee dhiigshiil oo inaabtigii ah madaxtooyadana geeyey buu isna meesha u fadhiyaa. Wuxuu ku hadlaa hadalo qadhaadh oo ay ka muuqato adeer key baa dalka xukuma oo ii gaboobay cidina waxba iga qaadi meyso. Isku soo xoori oo Xirsi sidan jahli baa u gelaya oo maaha nin proper education le ee waa laflow waa dhagax oo caydhii gaha ayu ka soo laabtay dabeedna dadku kala nasiib badan ee waakaa madaxtooyada xaraarta ka buteystay.
Xildhibaan Cali Mareexaan isagu hadimada dalka iyo dadka ayuu u xil saaranyay oo waa ninka waxa laaluush madaxtooyadu qeybiso u qaabilsan. Wuxuu derejadaa ku muteystay weli ma cada hase yeeshee qandaraas yada uugu waa weyn iyo kharibaada xisbiyada mucaaradka ah iyo laalushka xildhibaanada golaha wakiilada ee Kulmiye loo qeybiyo iyo wax yaaba kale oo xil le ayuu madaxtooyada u qaabilsanyay. Waa ninkii Siciid Cilmi Roble ku yidhi xageed ka keentay laba aqal iyo al-beerko ayaad leeday anigoo wakiil kula mid ihini aqal kiro ah baan ku jiraa ee ka jawaabi kari waayay. Cali mareexaan waxa laga yaabaa in uu quruxdiisa ku shaqeysto oo la isugu soo taago ileyn cilmi iyo caqli kale malaha oo ilaa xad xitaa waxba ma akhriyo waxna ma qoro magac horena muusan lahayn ee dibjirka Burcao ayuu ka mid ahaa, Akhristow bal adba caqli baad leeday ee hadaanay ahayn in uu qurux diisa kireeyo waxan uu min al-muqariibiin ta u noqday bal adba noo sheeg. Isku soo duub oo ayaamihii Xirsi, Cali mareexaan, nac nac, Bukhaari, Ruush iyo maxamoud Xaashi iyo qaar kaloo badan ay boota-bootayna yeen waa gebaabsi oo waxa dhawaan la arki iyago bahdalan oon bulshada soo dhex geli karayn ama dibadahaa wareegaya ileyn diide nabadiiye.