Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Shacabka Gabiley Ku Bogaadiyay Dhismaha Dayrka Dugsiga New Gabiley

0
615

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Shacabka Gabiley Ku Bogaadiyay Dhismaha Dayrka Dugsiga New Gabiley

                                                                                                  

War-saxaafadeed

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo Hambalyo u diray dhisidda dayrka Dugsiga New Gabilay ee ay si mutadawacnimo ah u dhisayaan bulshada ku dhaqan magaalada Gabilay, isla markaana  sheeagay xaddiga lacageed ee ay wasaaraddu ku darsanayso dhismaha Dugsiga.

Hargeysa (HWN) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa hambalyo iyo boogaadin u diray dhammaan Badhasaabka, Maayarka iyo dadweynaha ku dhaqan degmada Gabilay dhawaaqista ay ku dhawaaqeen dhisidda dayrka Dugsiga New Gabilay.

 

Wuxu wasiirku sheegay dhisidda dayrka dugsigani oo ah mid ay si  iskaa-wax-u-qabso ah ku  dhisayaan bulshada reer Gabilay uu yahay mid ka


qayb qaadanaya horumarka dalka isla markaana muujinaysa in ay bulshadu ka qayb qaadato horumarinta deegaannadooda.

 

Sidaa daradeed, iyada oo ay dalka duruufo badan ku gadaamanyihiin, hadana, waxay madaxda wasaaradda horumarinta maaliyadda oo uu hormuud ka yahay wasiirku ay dhisidda dayrka dugsiga kaga qayb qaadan doonaan qadar lacageed oo ah 8 Milyan oo Shilinka Somaliland ah kaas oo ay ka soo jari doonaan mushaharkooda, waxaanu wasiirku ugu baaqay bulshada sidan “waxaa la joogaa xilligii ummada reer Somaliland isku tashan lahayd, gacmahana is qabsan lahayd oo ayna waajib qaran tahay in loo wada guntado sidii loo horumarin lahaa wadanka.”

 

Allaa Mahad Leh

 

Yuusuf Maxamed Cabdi

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda