Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Maanta Xilalkii U Kala Wareejiyay Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaarada Gaashaandhiga Iyo Wasiir ku Xigeenka Cusub Ee Dhawaan Lasoo Magacaabay

0
636

Hargeysa(Halsan): -Waxaa maanta si rasmiya xilalkii ula kala wareegey wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda gaashaan-dhigga Somaliland Md.Maxamuud Warsame Jaamac oo hore u ahaa xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Ceerigaab iyo wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda gaashaan-dhigga Md.Boos Mire Maxamed oo immika loo beddeley inuu noqdo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibaddan ay maanta xilalka kula kala wareegayeen labadan mas’uul ayaa ka qabsoontey xarunta wasaaradda gaashaan-dhigga ee magaalada Hargeysa,waxaana ka soo qayb galey wasiirro,saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland iyo shaqaale weynaha wasaaradda gaashaan-dhigga.

wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda gaashaan-dhigga Md.Boos Mire Maxamed ahna immika Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland oo xafladdaasi ka Hadley ayaa siniyad ah ugu soo dhaweeyey wasiirka ku-xigeenka cusub,isaga oo Illaahay uga baryey inuu xilkaa u fududeeyo waxaana uu yidhi

“Waxaan ku soo dhaweenayaa xilkan wasiirka cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u gartey,waxaanan ku wareejinayaa wasaarad leh shaqaale wanaagsan iyo dad karti leh”Ayuu yidhi wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda gaashaan-dhigga.

Sidoo kale waxaa halkaasi hadallo mahadnaqa ka jeediyey wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda gaashaan-dhigga Somaliland Md.Maxamuud Warsame Jaamac waxaana uu ugu horreyn u mahad naqaey madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Madaxweyne Siilaanyo,waxaana uu geesta kale ka codsadey shaqaale weynaha wasaaraddaasi inay si fiican ula shaqeeyaan.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami  oo gobtaasi hadallo ka soo jeediyey ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo wasiir ku xigeenka cusub sidoo kalea sii sagootiyay wasiir ku xigeekii hore .

Saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland,qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddaasi iyo marti sharaf kale oo madashaasi ka Hadley ayaa si isku mid ah u sagootiyey wasiir ku-xigeenkii hore,waxaana ay soo dhaweeyeen wasiir ku-xigeenka cusub.

Gabagabadiina waxa si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay labadan masuul wasiirka gaashaandhiga Somaliland.

Halkan ka dhagayso Hadalkii wasiirka gaashaandhiga somaliland