Wasiirka Biyaha Oo Ficil Ku Muujiyay In Xurguftii Xaglotoosiye iyo Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici Wali Taagan Tahay

0
676

Hargeysa(Halsan):- Wasiirka wasaaradda biyaha ee Somaliland, Baashe Cali Jaamac ayaa muujiyay inay wali taagan tahay xurguftii ka dhalatay loolankii dhex maray madaxweyne xigeen Saylici iyo wasiir Saleebaan Xaglotoosiye, kadib markii uu shalay u cidleeyay madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici iyo Muuse Biixi xaflad wasaaraddiisa loogu dhagax dhigayay.

 

Wasiir Baashe Cali Jaamac, oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka culus gobollada bariga Somaliland, wuxuu ahaa gacanta midig ee hagaysay ololihii wasiir Xaglotoosiye u galay tartanka jagada madaxweyne xigeenka xisbiga Kulmiye, taasi oo sababtay inaanay hadda isku san banaanaan madaxweyne xigeenka, islamarkaana uu si ficil ah uga maqnaaday munaasibaddii wasaaraddiisa isagoo Hargeysa ku sugan.

 

Sidoo kalena waxa uu Baashe Cali Jaamac ahaa hormuudka xubno ka socda bulshada bariga Somaliland oo madaxweyne Siilaanyo hor fadhiistay si ay ugala hadlaan fartii uu u taagay madaxweyne xigeen Saylici oo ay godobsadeen. Waxay madaxweynaha waydiiyeen sababta uu u soo kala dhawaystay Madaxweyne xigeenka iyo wasiirkiisa caafimaadka.

 

Dadka siyaasadda Odorosa ayaa rumaysan in madaxweyne xigeenka Somaliland shalay u yimid munaasibadda dhagax dhiga si ay isu soo dhawaadaan wasiir Baashe iyo siyaasiyiinta kale ee bariga ka soo jeeda, maadaama Xaglotoosiye iyo intii taabacsanayd u arkaan in guusha Saylici ku timid codka madaxweyne Siilaanyo siiyay.

 

Maqnaanshaha wasiirka biyaha bedelkeeda waxaa shalay madaxweyne xigeenka ku weheliyay munaasibadda Musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo agaasimaha wasaaradda biyaha Cabdirisaaq Jaamac.