Hargysa(Halsan):-Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde ayaa cadeeyay in aan Somaliland looga bahnyn ama aanu sharciga dalku dhigaynin in lagu caleema saaro Caaqiil, waxana uu sheegay in dadka ama qabaailka dalka deegaan ahaan u leh ay yihiin kuwo la yaqaano oo ah kuwii dalka deganaa xiligii uu Ingriisku maamuli jiray.
Waxana dastuurku tixgalinayaa gobolada iyo degmooyinka dalka, isga oo ka hadlaaya dadka soo galaytiga ah sida Yementa iyo kwa kaleba waxa uu sheegay in dadka dalka degen ee aan u dhalan Saomaliland ay yeelan karaan ama looba sameeyayba dad iyaga matala (Community Leaders) oo lagala xidhiidho hadii ay wax gaystaan ama loo gaystaba,taas macnaheedu ma aha in ay sheegan karaan salaadiin iyo cuqaal.
Waxa todobaadkani magaalada Hargysa lagu caleemo saaray nin sheegtay in uu caaqil u yahay qabiilka Jaarsda oo aan dalka deegaan ku lahayn hase ahaatee u soo shaqo tagay kana mid ah jaaliyadaha ku nool dalka, waxna caleema saarka caaqilkaasi ka soo qayb galay oo daba ka riixaayay suldaan ka mid ah salaadiinta Jibriil Abokor oo la yidhaa suldaan Ismaciil, waxa sidoo kale uu ku marti qaaday suldaan Xiiray iyo suldaan Dakhare oo ka mid ah salaadiinta Garxajis.
Suldaan Xiiray oo aanu wax ka waydiinay xaga ay degaan qabiilka Jaarsada ee ayu caleema saarayaan waxa uu noo sheegay in ay degaan gobolka Sanaag oo ay magta la bixiyaan beesha Muuse Ismaciil, sidoo kale ay degmo ku leeyihiin gobolka Gabiilay, isla markaasna ay golaha guurtida ay ku leeyihiin xubnin oo ay agaasime ku leeyinhiin xukumadda Siilaanyo.
Kadib hadalka iyo jawaabta suldaan Yusuf Xiiray waxa aanu la xidhiidhnay beelaha Muuse Ismaciil ee daga gobola Sanaag, waxana ay noo xaqiijiyeen in aan beeshaasi Jaarasadu degani gobolka Sanaag isla markaasina ayna wax mag ah iyaga la bxin, qaarkoodna waxa ay noo sheegeenba in ayna waligoodba maqlin.
Dhanka kalena waxa aanu la xidhiidhnay odayaal iyo wax garad ka soo jeeda beesha Jibriil Abokor ee dagta gobolka Gabilay waxana ay noo xaqiijiyeen in aan beesha Jaarasadu wax deegaan ah ku lahayn gobolka iyo degmada toona, waxna jira shaqsiyaad dadka ku dhex nool oosida magaalooyinka kalaba ka xoogsada lana garnaayo qof walba maalintii uu yimid taasina marnba ma ah in caaqil lagu qaadan karo. Sidoo kale waxa aanu la xidhiidhnay golaha guurtida iyo golaha xukumadda Siilaanyo waxana la noo xaqiijiyay in aan beesha Jaarso meelna ka soo galin golayaasha qaranka oo ayna ka mid ahayn beelaha dega Somaliland, waxna halkaasi ka cad in salaadiinta caleemasaaraysay caaqilka oo ayna suldaan iyagu ahayn ay galeen qaladkii ugu weynaa ee abid ay sameeyaan hogaamiye dhaqameedka Somaliland, waxna la gudboon in ay arintani raaligalin ka bxiyaan oo ka firsdaan waxa ay faraha la galayaan oo abuuri kara cawaaqib xumo aan laga soo waaqsan
Hadba caaqilka oo ah shay aan la dooran hase ahaatee ku yimaada baaxda deegaan iyo ta qabiil ee qoysska waana in qofka caaqilka qaadnayaa uu ahaadaa qof ab iyo ab ka tafiiran ama ku soo dhaqnaa dalaka oo isagu iska leh oo aan dalka imanin, waana iska dhacdaa in dad badani ay dal iska soo galaan sharci ama sharci daro intaba taasina marnba noqonmayso in lagu doonto caaqil, beelo badan oo dalka u dhashay ayaan lahayn caaqil, arintaasina waxa ka hortaagan shuruudo xaga dhaqanka ah oo loo maro in la noqdo caaqil, waxna baryahani dalka ku soo badnaayay salaadiin la samysto taasi oo aan marnba la samysanin caaqil oo caaqilku uu ahaa arin ay shuruudo adagi ku xidhanyihiin, qof kastaana iskama sheegan karo caaqil lakiin hadii maanta nin soo galayti ahi uu sheegtay caaqil waxa ay dalaka ka abuuraysaa fawdo iyo burbur ku yimaada dhaqanka waxana haboon inta goori goortahay in wax laga qabyo.