Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Warancadde iyo Wafti uu hogaaminaayo oo bari u bixi doona dalka Itoobiya iyo gudoomiye Cirro oo uga sii horeeyay

0
656

Hargaysa(Halsan):-Xukumadda Siilaanyo ayaa tan iyo todobaadkii ina soo dhaafayba ku mashquulsanayd dhaq dhaqaaqa gudoomiyaha xisbiga Waddani mudane C/raxmaan Cirro oo socdaal la sheegay in uu ahaa mid rasmi ah ku tagay dalka Itoobiya, waxna socdaalkani aad u dhibsaday qoyska madaxweynaha oo ay hor boode u tahay marwada madaxweynaha madaama oo odaygeedu uu noqday mid bukaan ah oo gabi ahaanba waayay xusuustii, taasi oo ay kaashanyan xanuuno dhawr ah oo madaxweynaha haleelay.

Kulan ay shalay marwo Amina Waris la qaadatay xubnaha ugu awooda badan xukmada Siilaanyo oo uu horboode u yahay Ali Maxamed Warancadde ayaa la sheegay in aad loogu falanqeeyay socdaalo isdaba joog ah oo uu gudoomiyaha xisbiga Waddani isla markaasina ah gudoomiyaha golaha wakiiladu uu ku tagaayo wadamo dhowr ah oo la sheegay in uu marti qaad ka haysto, dalalkaasi oo ay ugu horayso dalka Itoobiya ee aynu jaarka anahy oo uu gudoomiye Cirro ku sugnaa tan iyo todobaadkii ina soo dhaafayba, dalalka kale uu gudoomiye Cirro ku jihaysanyahay ama socdo ayaa la sheegay in ay yihiin dalka Ingriiska,Marayka ka iyo meelo kaleba, arintaasi oo ay aad uga gubatay xukumadda Siilaanyo ee ay mayalka u hayaan Amina Waris iyo wiilka qaba gabadheeda ee la yidhaa Bashe Morgan.

Waxana kulamo dhaadheer oo ay dhowrka qof ee ugu awooda badan xukumadda Siilaanyo ilaa shalay iyo doraadba ku qaadaa dhigayeen socdaalka Cirro ee uu Itoobiya ku joogo, taasi oo warar la helayaa ay sheegayaan in uu la kulmay madaxda ugu saraysa ee dalkaasi iyo saraakiil ka mid ah safaaradaha reer galbeedka ee degan dalka Itoobiya kulamadaasi oo lagu sheegay kuwo midho dhal ah.

Hadaba kulamadii ay shalay ay marwada madaxweynahu ay hagaysay waxa la isla qaatay in wafti loo diro dalka Itoobiya waxana waftigaasi la sheegay in uu bixi doono maalinta bari ah isniinta waxana ay wararku xaqiijinayaan in waftigaasi uu hogaamin doono wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancadde, lamana garan karo in socdaalkoodu uu la xidhiidho mid ka dhashay hinaase iyo in uu yahay mid ay dawlada Itoobiya dalbatay, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaaya in socdaalkani uu ka danbeeyo mid uu wasiirka arimaha gudahu uu dalbaday isaga oo ka duulaaya xidhiidhka labada dal.

Waxana la sugayaa waxa uu daaranyahay socdaalka xiligani ee uu wasiir Waranacdde ugu baxaayo dalka Itoobiya, taasi oo isga laga rabo in uu saxaafada u sheego. sidoo kale gudoomiyaha Waddani oo ayaamaha inagu soo socda dalka ku soo waajahan ayaa la filayaa in uu dadka u sharaxo waxa uu daarnaa socdaalkiisu iyada oo ay hawlo badan oo xisbigiisa ahi u yaaleen.