Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Gudoomiyay Shir Ay Yeesheen Laamaha Amaanka Jsl.

0
97

Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Gudoomiyay Shir Ay Yeesheen Laamaha Amaanka Jsl.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey kulan Ballaadhan oo ku saabsan amniga guud ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay Miiska Saraakiisha, wuxuuna ka mid ahaa kulamada caadiga ah ee lagu dardar-galinayo amniga, laguna falaqaynayey kor u qaadista amniga gudaha iyo guud ahaan difaaca Qaranka.

Shirkan muhiimka ah waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha guud ee Ciidamada kala duwan ee qalabka sida, waxaana shir gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, kulamada joogtada ah ee ku saabsan amniga Dalka, ayaa tusaale u ah sida ay Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ay uga go’antahay adkaynta nabadgelyada Dalka.

Cabdillaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.