Burco(Halsan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa si weyn ula socota dhaq-dhaqaaqyadda Wasiiraddii hore ee Madaxtooyadda Iyo arrimaha Bulshadda,kuwaas oo shalay gallinkii danbe safar deg deg ah ugu baxay Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer,halkaas oo ay deegaan ahaan kasoo jeeddaan.
Ilaa Xalay,ayaa waxay Laammaha ammniga ee Xukuumaddu waxay Il gaar ah ku eegayaan hawlaha ay gacanta ku hayaan Labbadan Masuul ee shalay uu ka mid ahaa raxan wasiiro ah oo Istiqaaladda dhiibay. Xukuumadda,ayaa la sheegayaa inay shaki-weyn ka qabto Saamaynta Labbadan shaqsi ku leeyihiin Magaaladda Burco,kuwaas oo la filayo inay Kulamo gooni-gooni ah la qaadanayaan Wax-garadka iyo Aqoon-yahanka Beelahooda oo aan ka madhnayn arrimo Siyaasaddeed oo saamayn taban ku leh Xukuumadda Somaliland Iyo Xisbiga KULMIYE-ba.
Xogaha ay helayso Shabakadda Wararka ee Oodweynenews,ayaa sheegaya in Xukuumaddu si gaar ah ay wer-wer uga qabto Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda,kaas oo ahaa Masuul Miisaan culus ku dhex-lahaa Xukuumadda,isla-markaasna uu hayo Xogo badan oo dhinaca Dawladda ah.
Si kastaba ha ahaatee,waxa la eegi doonaa halka ay biyo-dhigtaan Kala-fur-furanka ah Siyaasaddeed ee haatan ka dhex-aloosmay Xukuumadda Iyo Xisbigeedda oo si weyn u gil-gilay Haykalka Dawlad-nimo ee Dalka.