Wasiirada Maaliyada oo Amartay in Cashuur Dhaaf loo Sameeyo,Raashin Wasakheysan oo uu Sido Markab Kuxidhan Dekadda Berbera iyo Halista Caafimaad ee Ka dhalan karta

0
617

Berbera(Halsan):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aden ayaa Amartay in la Cashuuro Raashin Wasakheysan oo uu Sido Markab Lagu Magacaabo M.v IDIL oo uu leeyahay Ganacsade C/raxmaan SISTO oo katirsan Xildhibaannada Golaha Degaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa

Markabkan oo Dekadda ku soo xidhay Todobaadkii hore ayaa Waxa uu ka soo shiraacday Dhanka yemen oo uu hore u geeyey Raashin Mucaawimo ah oo loogu Talo galey Dadka ay Baro kiciyeen Dagaalka ka Socda yemen, Waxaana Markabkani uu ku xidhay Dhinaca Dekadda Cadan , Kadib  markii Markabka lafurey Khamankii ee lays yidhi ka dejiya Raashinka ayaa la Ogaadey in Raashinka Markabka Saaran ay Furmeen Bulacadihii Markabka, kuwaas oo qayb kamid ah Raashinkii Soo gaadhsiisay Wasakh.

Taasina Waxay keentay in Markabka laga Rogo intii aaney Wasakhdu gaadhin,lacagta Khasaarahana uu Bixiyo Markabkani, waxanu Mudo Todobaado ah ku Cadilnaa Dekadda Cadan ee Dalka Yemen, Kadib Markii laga Shubey khasaaraha Raashinkii Wasakhdu Soo gaadhey ,ayuu Markabkaasi u Soo ambo baxay Dhinaca Somaliland , waxaanu Soo gaadhey Todobaadkan Dekadda Berbera Si looga Rogo Raashinkii ay Bulacaduhu ku furmeen oo caafimaadka Dadka Waxyeelaya,Wasiirka Maaliyada Somaliland ayaa qayb laxaad leh ka qaadatey, Soo xidhista Markabkaasi iyadoo Amartey Maamulaha kastamka Berberana in uu ka Cashuuro Raashinkaasi,wixii Caadi ka noqda

Waxaana Raashinkii loo soo Daabuley Dhinaca Magaalada Berbera oo Bakhaar looga Kireeyey,Raashinkaasi oo isugu jira Mid xumaadey iyo mid wasakhdu aaney wado gaadhin, waxaana la doonayaa in Bakhaarkaasi lagu dhex furfuro islamarkaana Dib loogu Cabeeyo,kadibna Suuqa la geeyo

Dhinaca kale Hay’adda Ilaalinta Tayada oo u xilsaaran Shaqada ilaalinta Tayada Cuntada ayaa ka gaabisay, waxaana wararka qaarkood tibaaxayaan in Mas’uulka hay’addan u jooga Magaalada Berbera lacag ka Qaatey Ganacsade C/raxmaan Sisto oo ah Mulkiilaha iska leh Markabkan Raashinku ku Wasakhoobey,

Waxaanu Masuulka ilaalinta tayada u jooga Dekadda oo lagu Magacaabo Muxuyo diin uu Doonay inuu indhaha Dadka tuso Waxaan ka badneyn 200 kiish oo isugu jira Daqiiq iyo Bariis uu ku soo Gubo Duleedka Magaalada Berbera , Si Markaasi Raashinka Xun ee Caafimaadka Dadka Reer Somaliland wax yeelayana, Suuqa loogu iibgeeyo inta Bakhaarada lagaga Bedalo Galka Sare e Raashinku ku jiro ama Jawaanada

Sidoo kale Shacabka Reer Berbera ayaa aad uga Walaacey,Arrinta raashinkan Laga Rogay Markabkan oo laga Dhigey Bakhaaro kuyaal Xaafada Barwaaqo ee Magalada Berbera,waxa aad arkeysaa Meelaha Bulshadu isugu timaado hadal haynta Markabkan iyo Raashinka Saaran iyagoo  iska wacyi galinaaya khatarta Caafimaad ee uu lee yahayoo ,waxaana dhagahaaga ku soo dhacay ,iyagoo leh qaar kamid ahi waar Raashinkan waynu ku Sumobeynaayey nin walowba Xaafadaada ka ilaali yaan Bakhaaradu inoo hoos galine ,marka aynu raashinka reerka u qaadeyno