WASIIR XIRSI OO KA HADLAY SIDA BALAADHAN EE LOOGU SOO DHAWEEYEY GOBOLKA SOOL

0
656

Waxaa maanta Madaxweynaha JSL Mud. Axmed Maxamed Silanyo oo aan ku wehelinayno xubno kamida golaha wasiirada iyo taliyeyaasha ciidanka qaranku safar shaqo ku gaadhnay xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.

Ujeedada socdaalkan oo daarnaa u kuurgalida xaalada guud ee gobolada bariga iyo hirgalinta mashaariic taabanaya baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha ayuu madaxweynuhu u dhagax dhigay baahiyahii uugu muhiimsanaa oo ay kamid yihiin Biyaha, caafimaadka, nabadgalyada “Saldhigyo boolis” iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo Waddooyinku uugu horeeyaan