Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi oo ah Nin caadifi ah, isla markana ku haftay xilka aanu qaadi kareyn ee dusha laga saaray, ayaa Masuuliyiinta Golayaasha, Xisbiyadda iyo Shaqsiyaadka ay ku kala aragti duwan-yihiin Mad-haabta Siyaasadda u sameystay Warbaahin gaar ah, kuwaasoo ka madhan anshaxa iyo ixtiraamka mihnada Saxaafadda. Isagoo u adeegsada Wiilal bilaa aqoon ah oo aan lahayn haba-yaraatee waxbaraasho, kuwaasoo u adeegsado cayda cidda marka Miiska uu saaran ee Siyaasiyan ay kala afkaar duwan-yihiin.
Dhowaan mid ka mid ah Wargeysyada uu leeyahay Wasiirka Madaxtooyadda oo lagu magacaabo Xirsi today ayaa si bilaa aqoon ah oo indho la’aan ah u weeraray Xildhibaanka Xalaasha ah Md. C/raxmaan Maxamed Jaamac (C/raxmaan Xoog) kaasoo uu ku xidhiidhiyey Nin Qabiil, laakiin Wasiirka iyo Wargeyskiisu waxay iloobeen in aanay taasi Xildhibaan Xoog ka baneyn, waayo Xildhibaankaasi ummadda waxa uu yahay dhex dhamaantood kuwa Goboladda iyo kuwa degmooyinka. Laakiin Soomaaliddu waxay ku maah-maahda “nacasku siduu yahay ayuu ku moodaa”.
Xildhibaanka Xalaasha ah Md. C/raxmaan Maxamed Jaamac (C/raxmaan Xoog) waa astaanta tilmaanta Qaranimada Somaliland, waa Nin jecel midnimada shacabka Somaliland ee Walaalaha ah, waa Nin dadka kasoo jeeda Sool iyo ka kasoo jeeda Hargeysa, iskugu mid yihiin.
Waxan usoo jeedinayaa caadifii Wasiir Xirsi iyo Wiilka Mudalabka ahaa ee uu Wargeyska uu furay inay ka waantoobaan ceebta iyo dhaqanka ay ku shaqeystaan inay dadka madaxda ah ee sharafta iyo karaamadda leh marmariyaan.
Bal waxa uu Wasiir Xirsi dan mooday inuu maalin walba Wargeyskiisa Xirsi Today ku caaya Beel weyn dhan, isagoo maalin walba Beesha Subeer awal kusoo qoraa boggiisa hore Sacad Muuse waa Guun. Waxan ku leeyahay Illahay ayaa kala xisaabtami doonee, waxay ummadda qaarkood ku haystaan Nin Wadaad ah, laakiin meelna kama soo geli kartid qof diin yaqaan ah.
Waxa kaloo aad haysaa Xil Qaran, waa ceebeysan adeer Siilaanyo aakhirana adiga lagu weydiiya kadaa hadimada iyo ceebta aad maalin walba uso jeedineyso, waxa kalood magaca ka dishay Beel weynta Habar Jcelo.
Qoree
Qaasim Abokor Cali
Hargeysa/Somaliland