Wasiir Maxamuud Xaashi oo Ramadaanta ka Dib ku Dhawaaqaya in uu Yahay Murashax Madaxweyne iyo Siilaanyo oo La Filaayo in uu ka Tanaasulo Hankiisa

0
770

Hargeysa(Halsan):-Warar aan weli soo shaac bixin, ayaa sheegaya in wasiirka wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi uu u sharaxan yahay jagada murashnimada madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye, waxaana la filayaa in bisha Ramadaan ka dib uu si toos ah u shaaciyo murashaxnimaddiisa madaxweynenimo, xiligaas oo ay ku beegan tahay wakhtiga hore loo qorsheeyey in xisbiga Kulmiye uu dibadda u soo saaro cida murashax uga noqonaysa xisbiga Kulmiye.

Ma jiraan ilaa hada warar ammuurtan la xidhiidha oo si toos ah uga soo baxay dhanka Murashax Maxamuud Xaashi, balse sida ay durtaba baahisay Mareegta Tooshnews, ayaa sheegaysa in kulan ay si wada jir ah u yeesheen Maxamuud Xaashi Cabdi, Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiir Xirsi oo hore damac uga hayey lagu guddoonsaday in murashax uu xisbiga Kulmiye ka noqdo Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaana la filayaa ayey wararku sheegayaan in madaxweyne Siilaanyo uu Ramadaan ka dib goob fagaare ah kaga dhawaaqayo in uu ka tanaasulay murashaxnimaddii Xisbiga Kulmiye.

Arrintan, ayaa murug iyo khilaaf ba’an oo danbe ka abuuri doonta xisbiga Kulmiye oo ah xisbiga ugu isqabsi badan axsaabta siyaasadda dalka, maadaama oo ay hore xisbiga dhexdiisa diyaar ugu sii ahaayeen xubno hore u sheeciyey in damac madaxweynenimo ay qabaan, doonayaana in ay iska sharaxayaan xisbiga Kulmiye.

Waxaana ay talaabadani dhabar-jab weyn ku noqon doonta guddoomiyaha hada ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo u muuqanaya in nin gegi cad taagan oo aan faraha waxba ku haynin, sida oo kalena damaciisii siyaasadeed ee Samaale loogu godab galayna uu hal xidhaale ku noqon doono, waxa kale oo sida mareegta Tooshnews ay baahisay ay xustay in wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland Md.Samaale oo isna hore u shaaciyey in uu leeyahay hanka madaxweynenimo doonanaya in uu iska sharaxo xisbiga Kulmiye ay hada ka dhammaatay rajaddaasi.

 

Source : Ramaas