Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Aadan Kayse Ayaa Qaabilay Safiirka Arrimaha Soomaalida Ee Dalka Jarmalka Ee Fadhigiisu Yahay Nairobi Ambassador Christian Resch

0
686

Hargeysa (Halsan):- Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil Kayse ayaa qaabilay danjiraha dawladda Jarmalka u qaabilsan arrimaha Soomaalida Ambassador Christian Resch, warsaxafadeed ka soo baxay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda oo kulanka lagu faahfaahinaayay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Halsan ayaa lagu yidhi sidani:

 

“Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Axmed Aaden Ismaaciil (Axmed-kayse) oo ay weheliyaan saraakiil ka mid ah agaasimayaasha waaxaha, qaarka mid ah diblomaasiyiinta Somaliland ee wadamada dibadda iyo masuuliyiin kale ayaa kulan casho sharaf soo dhawayn ku qaabilay Danjiraha dalka Jarmalka u qaabilsan Somalia iyo Somaliland oo fadhigiisu yahay Nairobi, Danjire Christian Resch Hudhueelka Ambassadoree magaalada Hargeysa habeenimadii Arbacada 12-ka August, 2015.

Danjire Resch oo booqasho dhawr maalmood ah ku joogay Somaliland, isla markaana soo kormeeray habsami u socodka mashaariic kala duwan oo ka mid ah deeqaha gargaarka horumarineed ee dawladda Jarmalku ka caawiso Somaliland.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Kayse ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo dawladda Jarmalka mashaariicda waxtarka leh ee dawladda Jarmalku ka taageerto Somaliland dhinacyo kala duwan oo xagga biyaha, caafimaadka iyo dhinacyo kaleba leh, waxanu dhirrigeliyay in caawimada Jarmalku u fidiyo Somaliland lagu fidin doono dhinacyada kale ee iyaguna mudnaanta u leh u leh Somaliland oo horumarinta dhaqaale iyomaalgashigu ka midyahay.

Safiirka Jarmalka ayaa isaguna dhinaciisa uga mahadceliyay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaah Dibadda iyo xukuumadda Somaliland guud ahaan sida saaxiibtinimada iyo karaamada leh ee loogu soo dhaweeyay dalka, waxanu rajeeyay inaanay noqon safarkii ugu dambeeyay ee uu ku yimaado dalka.