Wasiir Ka Xog Waramay Cabashada Bulshada Sool iyo Rajada Laga Qabo Doorasho Ka Dhacda

0
671

Hargeysa(halsan) :- Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Md. C/rasaaq Khaliif Axmed, ayaa ka warbixiyay safar ay dhawaan gobolka Sool ku tageen isaga iyo Wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaasi oo uu ku tilmaamay mid dhawr qaybood isugu jiray.

Wasiirku waxa uu sheegay in u jeedadda koowaad ee socdaalkaasi ay ahayd in ay bulshadda gobolkaasi kala soo qayb qaataan munaasibadii Ciidul-fidriga iyo sidii ay xadhiga uga soo jari lahaayeen mashaariic horumarineed oo gobolkaasi laga hirgeliyay iyo kuwo cuusb oo ay soo dhagax-dhigayeen.

C/rasaaq Khaliif Axmed, oo xalay khadka telefoonka ugu waramayay DAWAN, isagoo ku sugam magaaladda Hargaysa, waxa uu intaasi ku daray in isaga iyo wasiirka madaxtooyadu ay xubno ka yihiin guddi heer qaran ah oo loo xil-saaray so oaf-jaridda colaad dhawaan laba beelood ku dhex-martay degaanka Guumays, isla markaana ay gogol-xaadh u sii ahaayeen wefti balaadhan oo ka socda xukuumadda oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha, iyadoo weftigaasi ay shalay u baxeen degaankaasi.

Wasiirka Hawlaha guud, oo ugu horayn faahfaahin ka bixinayay u jeedadii uu salka ku hayay socdaalkii ay gobolka Sool ku tegeen, waxa uu yidhi “Safarkayagu marka koowaad, wuxuu ahaa in sidii goboladda kaleba ay masuuliyiinta xukuumadu ula soo ciidayeen, in aanu la soo ciidno bulshadda gobolka Sool, labadayadda ayaa madaxweynuhu noo xil saaray. Qodobka labaadna wuxuu ahaa mashaariic hore uga fushay gobolka oo aanu soo furaynay, iyo kuwo cusub oo la soo dhagax-dhigayay. Iyo dan caam ah oo mar walba in ay masuuliyiintu u tagaan, dadka gobolka iyo degaanka iyo wixii horumar ah iyo wixii culays ah ee jira in loo noqdo, iyo in xog-ogaal loo noqdo xaaladda gobolka.

Waxaa iyadna intaasi ku dabo jirtay, oo labadayaduba aanu ka mid nahay, guddi shaqaaqooyin gobolka ka dhacay loo xil-saaray, oo wefti Hargaysa ka baxaya oo uu wasiirka arrimaha guduhu hogaaminayo ay ka mid yihiin, oo guddoomiyaha baanka iyo xildhibaano ay ku jiraan, ayaanu ka mid nahay. Gudidaas lafteedda ayaanu gogol-xaadh u ahayn, in aanu la shaqayno. Hawlo isku dhafan ayuu socdaalkayagu ahaa, laakiin ku beegmay xiligii Ciidul-fidriga oo ahayd in bulshadda lala ciido”.

C/rasaaq Khiliif, waxa uu sheegay in mudaddii ay joogeen Laascaanood in ay kulamo la yeesheen waxgaradka labadda beelood ee dhawaan shaqaaqadu ku dhex-martay degaanka Guumays ee gobolka Sool, isla markaana ay gogol-xaadh u ahaayeen wefti uu wasiirka daakhiligu hogaaminayo oo loo xil saaray soo afjaridda shaqaaqadda labadaasi beelood dhex-martay.
“Intii aanu joognay halkaasi, odayaasha waanu la kulanay, waxaananu ku wargelinay in ay u diyaar garoobaan in dhicii kale ee madaxdii dawladu ay imanayaan, labadii dhinac ee dirirtu dhex-martayna la isku keeni doono. Waxaanay taasi hadda ahayd wargelin iyo gogol-xaadh, laakiin arrinta kale ee aanu guddo-galnay waxay ahayd, tii gobolka wax-qabadkiisa iyo maxaa dhiman, maxaa hadda la qabtay, waxa dhiman sidee loo kabbi karaa. Qaybaha kala duwan ee bulshadda in aanu la kulano, waxgaradka, odayaasha, garaadda wixii joogay, dhalinyaradda, haweenka, madaxda gobolka iyo masuuliyiinta kale ee hay’adaha dawladda, taasi ayaanu wakhtiga ugu badan ku qaadanay” ayuu yidhi wasiir Khaliif.

Wasiirka, oo ka hadlayay waxyaabihii ay kala hadleen madax-dhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ee ay kulamadda la yeesheen, waxa uu yidhi “Waxa ugu badan ee aanu kala hadlaynay wuxuu ahaa in aanu is-xog waraysano, iyagana dhibtoodda ugu badan ee ay ka hadlayeen ama ka cabanayeen waxay ahayd, gobolka Sool iyo horumarkiisa, iyadoo ay mashaariic farro abdani imika ka bilaabmeen, sida wadooyinka, biyaha oo had iyo jeer laga cawdo iyo waxyaabo la mid ah.

Annaguna waxaanu kala hadlaynay oo ugu badnaa, adkaynta nabadgeliyadda, ka qayb qaadashadda horumarka gobolka ka socda, in ay bulshadda lafteedu ka qayb qaataan, waxyaabahaasi ayaa ugu muhiimsanaa sidii shacab iyo dawladba la iskula kaashan lahaa”.
C/rasaaq Khaliif Axmed, oo aanu waydiinay waxa uu kaga jawaabayo in marar badan xukuumadda Somaliland lagu dhaliilo in aanay si buuxda mashaariic horumarineed oo la taaban karro ka hirgelinin gobolka Sool, waxa uu ku jawaabay. “Arrintaasi runtii sida loo sheego ma aha, way jirtaa in goboladda dalku ay ku kala horeeyaan xagga horumarka oo way ku kala badan yihiin, cabashadda dadkana ka mid ayay ahayd. Laakiin, intii ay xukuumadani talladda haysay, iyagna way qirayeen, dadkii odayaasha ahaa ee aanu la kulanay, iyo mujtamacii aanu la kulmaynay waxay qirayeen, in aanu jirin horumar uga soo horeeyay oo ay arkeen, intii ay Somaliland jirtay.

Laakiin mashaariic aad u badan ayaa laga hirgeliyay, oo ay ka mid tahay, jaamacadda oo la dhisay, Sariibadda oo la dhisay, xabsiga dhexe, saldhigyadda booliska oo la dhisay, wadooyin la dhisay, oo ay qaar imika socdaan.
4KM oo magaaladda afarteedda koone isaga baxaya, 1KM oo aanu imika soo dhagax-dhignay. Imikana waxaa bilaabmay mashruuc cusub oo dhinaca biyaha ah, iyadoo daraasad lagu samaynayo biyaha, lana qodayo. Waxa kale oo imika bilaabmaya dhismaha cusbitaalka, dugsiga sare oo Baadhin ah, kaasi oo ah iskuulkii weynaa ee taariikhiga ahaa, xiligii gumaysiga dhismay. Markaa mashaariicdu way badan yihiin, waxaa se la odhan karaa goboladu way ku kala badan yihiin xagga horumarka” ayuu yidhi wasiirka hawlaha guud.

Waxaanu intaasi ku daray wasiirku in deganaansho la’aanta xagga amaanka eek a jirta degaamo ka tirsan gobolka Sool in ay sabab u yihiin dhib u dhaca ka jira ee dhinaca horumarka, isla markaana loo baahan yahay in awood badan la saaro sidii loo amaanka gobolka loo hirgelin lahaa, si uu horumarku u wada gaahdo gobolka oo dhan.

Waxaanu yidhi “Horumarka gobolka, deganaansho la’aanta ka jirta ee xagga amniga lafteedu waa loo sababayn karaa, laakiin waxyaabo kale oo aan goboladda kale ee dalkaba laga qaban ayaa laga qabtay gobolka Sool, waxaana loo baahan yahay in awood badan la saaro hirgelinta xagga amaanka ee gobolka”.

Dhinaca kale, Wasiirka hawlaha guud mar aanu wax ka waydiinay ka xukuumad ahaan waxa uga qorshaysan in doorashooyinka soo socda iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha oo la filayo in ay todobaadkan ka bilaabanto gobolka Togdheer, sidii ay si buuxda uga wada dhici lahayd gobolka Sool, oo aanay xiliyadii hore degaamo ka mid ah dhici jirin.

Waxa uu ku dooday in waxyaabo badani ay iska bedeleen sidii uu sanadihii hore gobolkaasi ahaa, isla markaana ay rejaynayaan in diiwaangelinta, cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinku ay si buuxda uga dhici dhici doonaan guud ahaanba degaamadda gobolkaasi.

“Way jirtaa, in aan degaamo ka tirsan gobolka Sool cod-bixinta iyo doorashooyinku ka dhici jirin, laakiin marka la eego diiwaangelintii u danbaysay, hase yeeshee waxaanu imika rejaynaynaa in is-bedel faro badani uu yimid, oo doorashadii u danbaysay ee goleyaasha degaanka, oo aan diiwaangelinlagu gelin, waa la ogaa, in gobolka intiisa badan ay doorashadu ka dhacday, marka laga reebo degmadda Taleex, degmooyinka kale ee gobolka way ka dhacday, si buuxda ayay dadku u codeeyeen, xildhibaanadii goleyaasha degaanka ayaa ka soo baxay degmooyinka.
Dhul badan oo aanay hore uga dhici jirin ayaanu rejaynaynaa in ay ka dhacdo, wacyi badanina uu is-bedelay, markaa waxaanu imika rejaynaynaa in ay si 100% ah uga dhici doonto gobolka Sool” ayuu yidhi wasiir Khaliif.
Sidoo kale wasiirka oo ka hadlayay sida ay doorashooyinka iyo diiwaangelintuba uga dhici karaan meelaha ka tirsan gobolka Sool ee aanay Somaliland gacanta ku haynin, waxa uu sheegay in degaamadda ay hadda Somaliland gacanta ku hayso ay ka dhacayso doorashadu, balse degaamadda kale ee aan weli gacanta ugu jirin lagu dedaalayo sidii maamulka loo gaadhsiin lahaa.

C/rasaaq Khaliif, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa uu hadda xilkoodu na saran yahay, ee aanu ka hawl-gelaynaa, waa inta aanu gacanta ku hayno, inta kale dedaal ayaanu u gelaynaa, sidii loo gaadhi lahaa, oo uu maamulku u wada gaadhi lahaa, xuduudaha dalka oo dhan. Laakiin waxa aynu imika ka hadlaynaa, ee ay doorashadu ka dhacaysaa, waa inta gacanteena ku jirta.”