Wasiir Guri Barwaaqo Oo Shaqada Ka Eryay Macalinkii Afsoomaaliga Ee Jaamacada Hargeysa

0
657

Wasiir Guri Barwaaqo Oo Shaqada Ka Eryay Macalinkii Afsoomaaliga Ee Jaamacada Hargeysa

 

Maxamed Axmed Baddal oo ah macallin ku xeel dheer taariikhda iyo suugaanta afka soomaaliga isla markaana jaamacadaha dalka ka dhiga maadada afsoomaaliga ayaa waxa shaqadii ka joojisay jaamacadda Hargeysa (UOH) oo muddo ku siman saddex bilood uu ka waday dhigista afsoomaaliga marka laga reebo sanado hore oo uu jaamacadda soo dhigay.

Macallinkan oo muddo ku siman 15 sanno jaamacadaha iyo iskuullada dalka ka dhigaayay luuqadda afka soomaaliga isla markaana kamid ah macallimiinta faro ku tiriska ah ee ku xeel dheer dhigista afsoomaaliga ayaa waxa la sheegay in wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo uu maamulka jaamacadda Hargeysa u sheegay in ay shaqada ka joojiyaan macallinkan.

Jaamacadda Hargeysa ayaa ardayda jaamacaddaasi u sheegtay in macallinka la badalay iyadoo aan sababta loo sheegin hase ahaatee ardayda ayaa ogaatay in macallinka uu shaqada ka joojiyay wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo isagu ahaa dhiinka qaybta afsoomaaliga ee jaamacaddda Hargeysa.

Ardayda oo hadda loo keenay macallin cusub oo la sheegay in aanu aqoon fiican u lahayn dhigista afka soomaaliga, isla markaana ay ka walaacsan yihiin mustaqbalka waxbarasho ee maaddada afsoomaaliga oo ahayd tan ay ugu jeclaayeen markii uu u dhigi jiray Macallin Maxamed Baddel.

Dhinaca kale, wararka qaar ayaa sheegaya in macallinka looga joojiyay in aanu haysan shahaado jaamacaddeed hase ahaatee macallinka ayaa ardaydiisa usoo bandhigay shahaado guddida sare ee waxbarashada Somaliland ay ugu aqoonsantahay in aqoonta uu u leeyahay afsoomaaligu ay u dhiganto mid jaamacaddeed. Iyadoo aan ognahay in aanay jirin jaamacad looga soo baxo barashada afsoomaaliga.

Ugu dambeyntii, ma ahan markii ugu horraysay ee Macallin Maxamed Baddal laga eryo jaamacadda Hargeysa isla markaana uu ka eryo wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo ahaa dhiinka qaybta afka soomaaliga ee jaamacadda hase ahaatee waxa jira in mar hore uu sidan oo kale Guri-barwaaqo uu macallinka uga eryay jaamacadda.

Si kastaba ha ahaatee, Macallin Maxamed Axmed Baddal ayaa ah madaxa manaahijka ee qaybta afsoomaaliga ee wasaaradda waxbarashada Somaliland.

 

Source: Gabileynewsonline