Wasiir Biixi Oo Maanta Dalka Kusoo Laabtay,Mar kalena Ku Celiyay Inuu Musharax Yahay,Meeshana Ka Saaray Inuu Banaynayo Xilka Wasiirnimo

0
633

Hargaysa(Halsan):- Waxa goor dhawayd kasoo degay Gegidda Diyaaraha Caaalamiga ah ee Magaaladda Hargaysa,Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland,MD. Maxamed Biixi Yoonis,waxaana garoonka ka hor-tagay dad iskugu jira Madax iyo Dadwene kale.
Wasiirka,oo qeyb ka ahaa wafdi uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo oo booqasho ku tagay Dalka IRELAND,ayaa waxa la sheegayaa inuu uga soo hor-maray Wafdiga uu la socday Xumadda Xisbiga KULMIYE oo maalinba maalinta ka danbaysa Cirka isku-sii-shareeraysa.
Wasiirka,ayaa qeybaha Warbaahinta kula hadlay Qolka VIP-ga ee Madaarka Magaaladda Hargaysa,waxaana uu markale ku celiyay inuu Musharax Madaxweyne u taagan yahay,isla-mar uu tartanka galayo.
Wasiirka oo la weydiiyay inuu Xilka Wasiir-nimo iska casilay,mar haddii uu tartan galyo,ayaa si cad u sheegay in aanu Xilka Wasiir-nimo ka tagayn.