Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Goordhawayd Ku Dhawaaqday Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee Dugsiyada Sare Iyo Dhexe Ee Somaliland+Tirada Ardayda Dhacay Iyo Magacyada Dugsiyada Kaalmaha Hore Galay

0
669

Wasaaradda waxbarashada Somaliland iyo guddiga Imtixaanaadka Qaranka Somaliland ayaa goordhawayd shaaciyay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare iyo Dhexe ee Somaliland.

Waxaana ku dhawaaqista natiijada Imtixaanaadka goob joog ahaa masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo ugu horeeyo wasiirka wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin habbane iyo gudoomiyaha guddiga imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Gadhwayne,waxaana madashaasi ay kasoo jeediyeen hadalo nuxurkoodu iskugu soo biyo shubanayeen sidii loo kobcin lahaa waxbarashada dalka,waxaana ay sidoo kalena fariimo adag u direen ardayda sanadkan baxaya iyo kuwii baxayba.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa ka dhawaajiyay arrin Somaliland ku cusub oo ah ardaydii ka dhacday Imtixaankan in wasaaradda Waxbarashada iyo waalidiinta dhalay ardaydu ay iska kaashan doonaan sidii dib waxbarasho bilaash ah loogu samayn lahaa ardaydaaasi dhacday,kuwaas oo dib usoo bilaabi doona waxbarashada muddo 4 Bilood ah oo ka bilaabmaysa Bisha Aktooobar kuna eeg Bisha Jeeni wari ee sanadka 2018-ka.

Ardayda sanadkan ka dhacday dugsiyada Sare iyo Dhexe ee Somaliland ayaa ka badan intii sanadkii hore dhacday,waxaana sanadkan ka dhacay dugsiyada sare ee Somaliland 1711 Arday Halka ay dugsiyada Hoosena ka dhaceen arday dhan 1806, Isku gayn ardaydan sanadkan Somaliland ka dhacday ayaa tiradoodu dhan tahay 3517 ayaa dhacay halka sanadkii hore ay dhacen isku gayn arday dhan 1325.

Waxaana gudoomiyaha Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Somaliland Daa’uud Gadhwayne uu ku dhawaaqay dugsiyadii iyo ardaydii kaalmaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland waxaana ay kala ahaayeen sida tan

 

Dugsiyada Sare

1) Qoryaale oo ku yaala togdheer
2) Qorilugud oo togdher ah
3) Dugsiga Gab oo ku yaala Awdal
4) Hadaaftimo oo badhan ah
5) Sacaadadiin oo salala ah
6) Siinay badhan ku yaala
7) Maxamed Ukaas oo ku yaala Togdheer
8) Geska afrika oo togdheer ah