WASAARADDA DIINTA IYO AW-QAAFTA SOMALILAND OO KA HADASHAY KITAAB LAGU EEDEEYEY INAY MASAAJIDDADA DALKA KA MABNUUCDAY

0
601

Hargeysa,(Halsan):- Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland, ayaa ka hadashay Kitaab la sheegay in Akhriskiisa laga mabnuucay Masaajiddada magaalooyinka dalka, kaasoo ay sheegtay inaan waxba ka jirin.

Nin u hadlay kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Fu’aad Muxamed Khalaf,  ayaa 19 bishan sheegay in Xukuumadda Somaliland ka mamnuucay in dhalinyarada  da’dooda ka yar tahay 20 sano Gabdho iyo Wiilal-ba aanay Akhrisan karin Kitaabka Caqiidada ee Al-walaa Wal-baraa.

Hase-yeeshee, Xogo Wargeyska Himilo ka helay ilo-wareedyo ku dhadhaw Wasaaradda Diinta & Awqaafta Somaliland, ayaa u xaqiijiyey in  Wasiirka Wasaaraddaas Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed beeniyey in Xukuumaddu ka mamnuucday Masaajiddada dalka in laga akhriyo Kitaabka Al-Walaa Wal-baraa.

Sidoo kale, Xogahan Wargeyska Himilo helay, ayaa sheegay in Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed gaashaanka ku dhuftay jawaab uu ka bixiyo eedo dhawaan kooxda argaggixisada ah ee Al-Shabaab u soo jeediyeen Jamhuuriyadda Somaliland, si aan loogu qaadan koox ay aqoonsan yihiin, hadday u jawaabaan.

Xogahan Wasiirka Diinta Sheekh Khaliil, ayaa xaqiijiyey inaannay jirin gebi ahaanba Kitaab laga mamnuucay in laga akhriyo Masaajiddada dalka, isla markaana caddeeyey mawqifka Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Diinta & Aw-qaaftu ka taagan tahay Kooxda argaggixisada Al-Shabaab.

 

XIGASHO WARGAYSKA HIMILO

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here