Wasaarada Arrimaha Bulshadda somaliland Oo bilawday qorshe Lagu Tiro Koobayo shaqaalaha Ajihanibka Ah

0
618

Wasaarada Arrimaha Bulshadda somaliland Oo bilawday qorshe Lagu Tiro Koobayo shaqaalaha Ajihanibka Ah

 

Hargaysa(Halsan):- Wasiirka shaqo galinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland marwo hinda Xirsi Gaani ayaa ka hadashay qorshe ay wadaan oo lagu tirakoobay shaqaalaha ajihanibka ah ee ku sugan gudaha waddanka Somaliland.

Marwo hinda gaani ayaa sheegtay inaanay suurto-gal noqon doonin in muwaadiniinta waddanka u dhashay ay bilaa camal noqdaan halka kuwa kalene shaqooyinkii ay qaban lahayeen ay hayaan.

Marwo hinda gaani oo warbixin ka horjeedisay gudida joogta ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa ugu horayn ka hadashay qorshaha shaqaalaha ajihanibka ah lagu tirakoobayo.

“tiro koobkaas waxaanu bilawnay 13kii jeeni-wari sababta aanu u bilawnay may ahayn mid ay cidina naga dalbatay lakiin waxaanu u aragnay


in ay noqotay shaqo ay wasaaradu leedahay, runtiina ay dayac fara badanina uu ka jiro,runtii shaqo ay qaban karaan dadkeenu marka laga bilaabo timo jaraha ilaa ninka jaamaciga ahi ka dhex maqan yahay oo muwaadiniinteeni bilaa shaqo yihiin dad kale shaqooyinkii hayaan ayaa nagu kaliftay tirakoobkan samayno hawshana waanu wadaynaa.

Intaas waxa ay ku dartay wasiirka shaqo galinta Somaliland Marwo Hinda Xirsi Gaani iyadda oo hadalkeeda siiwadata.”runtiina hawshan badhtanka ayaanu kaga jirnaa qofkasta waxaanu marin doonaa marka uu tirakoobkani noo soo dhamaado wixii hawshiisu tahay.