WARQAD FURAN OO KUSOCOTA GUDOMIYAHA MAXKAMADDA SARE

0
644

umadda somaliland oo aad ugu mabsuudey xukunkii maxkamadda sare ee ay ku kala saareysey mucaaridka iyo xukuumadda taariikhdu
markey ahayd 23/7/2015
Pro.Aadan xaaji cali gudomiyaha maxkamadda sare oo uqabtey dhinacyadda ishaya qadar saacadda ah iney sugaan si ay udhageestaan xunka maxkamada
dhacdadan ayaa fajacan kunoqotey dowladda siilaanyo iyagoo filaayey in xukunka dacwadan sugisteesu qaadato mudo aan wakhti lahayn .
pro.aadan xaaji cali oo isticmaaley mabda sharci ah oo odhanaya ( العدالة البطيئة والظلم سواء) cadaaladda gaabisa iyo dulmigu waa isku mid.
dustuurka somaliland wuxuu dhigaya QODOBKIISA 101AAD MAXKAMADDA SARE:
Maxamadda Sare waa hay’adda ugu sarraysa Garsoorka; isla markaana waxay tahay Maxamadda Dastuurka. Tirada garsoorayaashu waa inaanay ka yaraan Guddoomiyaha iyo afar garsoore; waxaana nidaaminaya xeer gaar ah. XUBNUHUNA WAXAY KALA YIHIIN :
1.AADAN XAAJI CALI GUDOMIYE
2.CABDIQADIR AHMED MAXAMUUD XUBIN
3.MAXAMED CUMER GEELE XUBIN
4.CABDIRAXMAAN MADAR CARAALE XUBIN
5.YAASIIN XASAN ISMAACIIL XUBIN

dadweynoow bal daya dhacdadan dhacday maanta bal daya ciyaarta siilaanyo bal daya ragan cadaaladda diidan ee dagaalka kula jira ragan dulmiga ladagaalamaya ee xaqa ku garsooraya
madaxweyne siilaanyo oo xilkii ka kaqaaday 3 kamid ah afartii garsoore ee maxkamadda sare maanta oo taariikhdu tahay 26/7/2015
isagoo walibana jabiyey qodob dastuuri ah amse sida uu raba iskaga fasirtey QODOBKA 101 OO DHIGAYEY IN MAXKAMADA SARE KA KOOBANTAHAY GUDOMIYE IYO AFAR GARSOORE .

taas oo uu siilaanyo kadhigey 8 garsoore ujeedaduna tahay in lagu xakameeyo awooda gudomiyaha maxkamada sare pro aadan xaaji cali
sadexdii 3 garsore ee kuwehelinaayey xukunkii maalintii nasoo dhaafteyna xilkii laga tuurey

WAXAAN USOO JEEDINAYAA GUDOMIYAHA MAXKAMADDA SARE PRO .AADAN XAAJI CALI INUUSE AQBALIN FARAGALINTA WAAXDA FULINTA
WAXAANAN USHEEGAYAA INAAD ADIGA TAHAYNA GUDOMIYAHA GUDIDDA CADAALADA EE AWOODA ULEH SOO JEEDINTA XIL KA QAADISTA
GARSOORAYAASHA .
TAAS OO UU SIILAANYO SHEEGEY MAANTA INEY IYAGU SOO JEEDIYEEN XIL KAQAADISTAA WAA GUDIDDA CADAALADEE.

SHIR JARAAID OO DAGDAG AH AYAAN KAA SUGEYNAA GUDOMIYE AADAN XAAJI CALI SABABTOO AH ADAA AH CADAALADII LAHADHSANAAYEY EE AY UMADDANINA HAN WEYN BEY KUU QABTAA EE HANIYAD JABININ DADKAADA HAKA DOORAN MANSIB UDAGAALAN XAQA SIDA AAN KUGU NAQAANEY TAARIIKHDAA KUXUSI HADAAD MAANTANA ISTAAGTID DHINACA XAQA .
ALLA AWOODA LEH
QAREEN.GULED MAXAMED WARSAME
INA DR HILIB