Wargalin Ku Socota Shaqaalaha Dawladda Somaliland
Hargaysa(Halsan)Sida aad la socotaan dhawaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay qaybisay kaadhka Aqoonsiga Shaqaalaha Dawladda JSL kaasi oo leh tixraac iyo summad gaar ah.
Tallaabadan ayey muhiimadeeda kamid ahayd in Shaqaalaha Dawladdu yeeshaan baadi-sooc ay kaga duwan yihiin shacabka adeega u soo doonta xarumaha Dawladda sida oo kalena qayb weyn ka qaadanaysa in shacabku u aqoonsado Shaqaale Dawladeed oo mudan in loo hogaansamo.
Promoted Content
10 Ways To Ask A Girl Out So She’ll Definitely Say ‘Yes’
17 Extreme Selfies You Thought You’d Never See
Top 10 Richest Bollywood Actresses
10 Things Girls Do Only When They Like You
Sidaa darteed, laga bilaabo maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 30/03/2019 waxa dhammaan waajib ku ah Shaqaale walba oo Dawladeed in uu isticmaalo aqoonsigiisa Shaqaalenimo inta uu ku gudo jiro saacadaha Shaqada.
Ugu dambayn, masuuliyiinta maamulka cudduda Shaqaalaha iyo guud ahaan-ba madaxda xafiisyada Dawladda waxa aan u soo gudbinayaa in ay daba-gal iyo kor-joogtayn ku sameyaan fulinta wareegtadan halka waaxda kormeerka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu-na kormeer iyo hubin joogto ah ku samayn doonto.
F.G – Shaqaalaha aanu weli soo gaadhin kaadhkiisii Shaqaalenimo degdeg ha ula xidhiidho xafiiska cudduda Shaqaalaha “Human Resource” ee Wasaaradda/Hay’adda Dawladeed ee uu ka hawl-galo sii loogu diyaariyo.
Allaa Mahad Leh
Sharmake Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL