Warbaahinta Faransiiska oo faafiyay in Boqorka Sacuudiga lacago looga leeyahay Magaalada Paris

0
684

Warbaahinta Faransiiska ayaa ku eedeeyay Boqorka dalka Sacudiga Salmaan Bin Cabdi Casiis inuu isaga baxay Jamhuuriyada Faransiiska inta uusan bixin daymo looga lahaa isbitaalada ku yaala magaalada Paris oo caasimad u ah Faransiiska.

Sida laga soo xiganaayo Barta Hesprees ayaa sheegaysa in lacagta lagu yeeshay boqorka ay gaartay 3.7-Milion o Yurow ah.

Warbaahinta waxa ay sheegen in boqorka Sacuudiga uu ka carooday sida uu heli waayay waxyaabihii uu ka mudnaa Faransiiska kadib markii wax weyn laga qaban koox dibad baxayaal ah oo diidana xeebtii uu qoyskiisa kula damashaadaayay.

Jariidada Le Parisien ayaa sheegtay in lacagtaan sidaa u badan ay sidoo kale ku baxday ilaalada boqorka aysana ahayn mid kaligiisa aan ku bixin waliba waxaa ugu badnaa wixii ku baxay shaqaalaha Sacuudiga ee Safaarada Paris.

Warbaahinta Faransiiska waxay sheegen inaan lacagta lagu yeeshay boqorka aan si toos ah loo weydiin maxaa yeelay si looga fogaado xiriirka Faransiska iyo Sacuudiga.