Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii saaka Al-Shabaab ku qaaday saldhiga ciidanka Kenya ee Kulbiyow

0
650
Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii saaka Al-Shabaab ku qaaday saldhiga ciidanka Kenya ee Kulbiyow

 

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan weerarkii saaka aroornimadii xoogaga Al-shabaab ku qaadeen degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada hoose oo ay saldhig milateri ku leeyihiin ciidamada kenya.

Boqolaal ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab ayaa la sheegay iney degaankaas weerar culus ku qaadeen, kaasoo ku bilowday gaadiid loo adeegsaday qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu dhuftay xerada ciidamada Kenya, waxaana ka dib bilowday dagaal toos ah, iyadoo markii dambe Al-shabaab ay xerada qabsadeen.

Afhayeenka ciidamada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen 51 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya, ayna kula wareegeen hub iyo gaadiid ciidan.

“Gaadiid qaraxyo ah oo ay mujaahidiintu leeyihiin ayaa gudaha u galay saldhiggii ciidamada Kenya ee Kulbiyow ka hor inta aan dagaalka tooska ah lagu qaadin, waxaana noo suurogashay in aan qabsano degaanka,” ayuu afhayeenku yiri.

Goob joogayaal ku sugan degaanka ayaa sheegay in dagaal aad u qaraar oo socday muddo labo saacadood ah uu ka dhacay degaanka, iyagoo xusay iney arkayeen Al-shabaab oo dab qabadsiinaya gaadiid ay ka qabsadeen ciidamada Kenya.

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa beeniyey in la qabsaday xerada ay ku lahaayeen degaanka kulbiyow, wuxuuna xusay iney iska caabiyeen weerarkii cuslaa ee saaka lagu soo qaaday, kamana hadlin afhayeenku khasaaraha ciidamada Kenya ka soo gaaray dagaalkan.

Ciidamada Kenya oo wata gaadiid dagaal iyo dayuuradaha helicobterka ayaa la soo sheeegayaa iney barqanimadii maanta dib ula wareegeen degaanka Kulbiyow ka dib markii ay isaga baxeen xoogagii Al-shabaab ee saaka halkaas qabsaday.

Xaaladda Kulbiyow ayaa kacsan, ayadoo ciidamada Kenya ay wadaan howlgalo ay ka sameynayaan nawaaxiga degaanka Kulbiyow, iyagoo baadi goobaya dagaalyahanadii saaka soo weeraray, lamina oga illaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan.

Sanad ka hor ayey aheyd markii xoogaga Al-shabaab ay weerar culus oo kanoo kale ah ku qaadeen saldhigii ciidamada Kenya ku lahaayeen degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, waxaana weerarkaas lagu dilay ciidamo ku dhow labo boqol oo ka tirsan milateriga Kenya.