Waaberigii hore ee saaka Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku billaawday qaraxyo ku qaaday Saldhig Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin degaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.
Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah & Al-Shabaab, waxaana dadka degaanka Janaay Cabdalla ay sheegeen in dagaalka oo socday ku dhawaad saacad iyo Bar siweyn looga dareemay degaanka.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaal kula wareegeen degaanka Janaay Cabdalle oo 60km dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo, isla markaana ay qabsadeen Gaadiid dagaal & hub farabadan, balse aysan jirin warar madax bannaan oo xaaiijinaya sheegashadaas.
Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa dhankooda sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana haatan ay wadaan howlgallo xoogan oo lagu baadi goobayo raggii katirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray.