Wararkii Ugu Dambeeyay Diyaarada EgyptAir iyo Wadamada ay kasoo jeedaan dadkii saarnaa +Daawo Sawiro

0
649

Diyaarad ay leedahay Shirkada Diyaaradaha ee EgyptAir ayaa loo badinayaa in ay ku dhacday badda Medditerranean-ka, waxaana wali socda baadi goob lagu xaqiijinayo in halka ay ku dambeesay Diyaaradaasi oo kusii jeeday dalka Masar.

Diyaarad ay leedahay Shirkada EgyptAir , oo ka duushay garoonka diyaaradaha Charles De Gaulle Airport ee magaalada Paris, ayaa kusii jeeday magaalada Qaahira, waxaana Diyaaradan saarnaa 56-qof oo Rakaab ah iyo 10-ruux oo ahaa Shaqaalaha Diyaaradaasi.

Sida la xaqiijiyay Diyaarada oo nuuceedu ahaa Airbus A320, sumada duulimaadkeedu ahaa MS804, ayaa raadaarka laga waayay saacadu marka ay aheed 2.45 , waxaana ilaa xiligaasi aan la heyn xogta rasmiga ah ee diyaaradaasi.

Wasaaradda Duulista ee dalka Masar, ayaa sheegtay in diyaarada loo badinayo in ay dhacday , waxaana Wasaaradu xustay in ciladaha ay ku dhacday diyaaradasai ay tahay mid farsamo ama mid argagixiso.

Madaxweynaha Faransiiska, Holland , ayaa sheegay in ay wali ogaanayaan waxa ku dhacay diyaarada EgyptAir , waxa uuna xusay Madaxweynaha in la sameenayo tilaabo kasta oo lagu ogaanayo waxa helay diyaaradaasi.

Dadka Saarnaa Diyaarada EgyptAir ayaa badankooda waxa ay kasoo jeedaan dalka Masar, waxaana dad kale ee ugu badan ee saaran Diyaarada maqan ay kasoo jeedaan Dalka Faransiiska , waxaa sidoo kale ku jira dad kale oo kasoo jeeda Wadamo kala duwan

Halkan ka Aqriso Wadamada ay kasoo jeedaan dadka Diyaarada la la’yahay saaran.

30 Egyptians
15 French
1 British
1 Belgian
1 Iraqi
1 Kuwaiti
1 Saudi Arabian
1 Chadian
1 Portuguese
1 Algerian
1 Canadian

Dowlada Faransiiska ayaa sheegay in dalkoodu uu ku tabaruci doono diyaarado iyo doomo ka qeyb gala raadinta diyaarada, islamarkaana ay sii wadi doonaan xiriirka ay la lee yihiin mas’uuliyiinta Masar .

Ehelada dadkii saarnaa Diyaarada dhacday ayaa waxaa lasoo darsay xaalad murugo ah, waxaana dadkaasi la geeyay xarumo gaar ah oo ku dhaw garoomada Diyaarada Paris iyo Qaahira si loola socdo xaaladooda.

ir2 ir3 ir4 ir5 ir6 ir7 ir_1