Wararkii Ugu Dambeeyay Afduubka loo geestay Diyaarada EgyptAir + Sawiro

0
660

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad ay leedahay shirkada EgyptAir oo saakay uu afduubtay nin sheegay in jirkiisa ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa, kaa oo Duuliyaha diyaarada ku qasbay in Diyaarada ku dajiyo garoon kuyaala Jaziirada Qubrus.

Diyaarada ayaa si nabad galyo ah waxaa loogu dajiyay garoonka diyaaradaha Larnaca ee Jesiiradda Qubrus, rakaabkii saarnaa Diyaarada oo gaarayay ilaa 55-qof ayaa laga dajiyay diyaarada, waxaana wali ninka afduubaha uu diyaarada ku heestaa 7-qof oo kamid ahaa Shaqaalaha Diyaarada.

Ninka Diyaarada Afduubtay ayaa lagu magacaabaa Seif Eldin Mustafa, waxa uuna heesta dhalashada Dalalka Mareykan iyo Masar ,ninkan ayaa ah Professor Cilmiga Daawaynta Xoolaha ka dhigi jirey Jaamacadda Alexandaria ee dalka Masar.

Xaaskii hore ee ninkan oo lagu magacaabo Marina Parashkou una dhalatay Qubrus , ayaa ka qeyb qaadaneysa waan waan la doonayo in ninkan looga sii daayo dadka uu ku heesto diyaarada, waxaana jira dalabyo badan uu soo jeediyay.

Warbaahinta Qubrus ayaa qaarkood waxa ay qoreen ninkan afduubaha ah uu dalbaday in magan galyo laga siiyo dalkaasi, walina lama oga in Dowlada Qubrus ay aqbashay dalabka ninkan kasoo yeeray iyo in kale.

Dowlada Masar ayaa xaqiijisay in dadkii rakaabka ahaa ee diyaarada saarnaa dhamaan ay si nabad galyo ah uga dageen diyaarada, uuna afduubaha wali ku heesto shaqaalaha Diyaarada uu ku jiro kabtankii diyaaradaasi waday.

Ninkan Diyaarada Masar laga leeyahay afduubtay ayaana lala xariirin kooxaha argagaxisada ah, waxaana ehelada ninkan afduubtay Diyaarada ay sheegeen in maskaxda looga jiray ayna xaaladiisa caafimaad hagaagsaneyn mudooyinkan.

afdub_2

Egyptian media publish what they say is first photo of hijacker
Egyptian media publish what they say is first photo of hijacker

afdub_4 afdub_4 (1) afdub_5 afdub_3 afdub_6 afdub_5

A policeman stands guard at Larnaca Airport near a hijacked Egypt Air A320 , March 29, 2016.      REUTERS/Yiannis Kourtoglou
A policeman stands guard at Larnaca Airport near a hijacked Egypt Air A320 , March 29, 2016. REUTERS/Yiannis Kourtoglou
A hijacked Egypt Air A320 airbus stands on the runway at Larnaca Airport in Larnaca, Cyprus , March 29, 2016.      REUTERS/Yiannis Kourtoglou
A hijacked Egypt Air A320 airbus stands on the runway at Larnaca Airport in Larnaca, Cyprus , March 29, 2016. REUTERS/Yiannis Kourtoglou

hijac_3