War Saxaafadeed:-Madaxwayne Siilaanyo Oo Laba Guddi Qaran Magacaabay

0
611

Hargeysa(Halsan):– Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta  ayaa u dhignayd sidan:-

Ujeeddo:       Magacaabid Guddi

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah   Sacad Cali Shirre  Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi 3.La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somaliya Cawil Cali Ducaale

4.La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda

5.Wakiilka Wareega ee Somaliland  Mudane, Raabi Axmed Mohamed

6.Wakiilka Somaliland ee Turkiga  Mudane, Cali Axmed Cismaan

7.Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda    Marwo, Edna Aadan Ismaaciil

8.Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda   Prof. Maxamed Siciid Gees

9.Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda   Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

10.Wasiir Hore, Kalluumaysiga   Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

11.Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed

12.Professor, Macalester College, MinnesotaProf. Axmed Ismaaciil Samatar

13.Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa     Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax

14.Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah   Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac

15.Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Wakilada   Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe

16.Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida   Mudane, Axmed Daahir Jirde

17.Guddoomiyaha Xisbiga UCID        Eng. Faysal Cali Waraabe

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad xil weyn oo mug iyo miisaan leh aad iska saari doontaan mas’uuliyaddan qaran ee aan idiin magacaabay, aniga oo ku kalsoon aqoontiinna, kartidiinna iyo hal-abuurka Eebe hibada idiin siiyey..

Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

 

ALLAA MAHAD LEH

——————————-

Ujeeddo:       Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas oo loo baahan-yahay in sannadkan loo xuso si weyn, isla markaana Bulshada Somaliland dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan.

Sidaas darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

Xubnaha Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda            Guddoomiye Ku-xigeen
  3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga                   Xubin
  4. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka      Xubin
  5. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada             Xubin
  6. Maayarka Caasimadda Hargeysa                       Xubin
  7. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka         Xubin
  8. Md, Sharmarke Axmed Muxumed (Xoghayaha Golaha Wasiirrada)             Xoghaye
  9. Mudane, Caydaruus Mahdi Xaashi (Habmaamuus Ku-xigeenka Madaxtooyada)      Xubin
  10. Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (SONSAF)                 Xubin
    11.       Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (SONSAF)   Xubin
  11. Marwo, Nafisa Yuusuf Aw Muxumed(NEGAAD)    Xubin
  12. Mudane, Siyaad Cumar Cali (SONYO)                Xubin

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here