War Saxaafadeed:-Guddida Heer Qaran Ee Gurmadka Abaaraha Ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada Kulan Kula Yeeshay Masuuliyiinta Hay’adaha Warbaahinta Ee Ka Hawlgala Dalka Somaliland

0
644

Taariikh:  24/02/2016

 

Hargeysa(Halsan):- Gudoomiyaha guddiga heer qaran ee gurmadka abaaraha, ahna Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayeen xubnaha kale ee guddigu oo isugu jira Wasiiro, Culimo awdiin iyo Ganacsato, ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd sidii Warbaahinta kala geddisani u dardar gelin lahayd waajibka ka saaran  baahinta Xaaladda Abaareed ee dalka .

Xubnaha guddiga abaaraha ayaa Warbixin ay siiyeen masuuliyiinta xubnaha Warbaahinta waxay ugu horaynba usoo bandhigeen Akownada (Accounts) la rabo in lagu soo shubo qaddarka lacageed ee qof walba iskii isaga goynayo.

Akownadaasi (Accounts) oo  kala ah sidan:

ZAAD: 4720222

E-DAHAB: 52222

DAHABSHIIL BANK: 20500

SALAAMA BANK: 60186075

BAANKA DHEXE EE SL: 574

Guddigu waxay Warbixintooda ku sheegeen in abaartu baahayso dalkana ay caam-yeeshay la arkayna Xoolo-Xoolo cunaya markay baad iyo biyo waayeen, iyo xoolo talaxgabay iyo Xoolo-Xoolo waydaaranaya markay goobtii ay ku sugnaayeen abaaruhu ku habsadeen.

Guddiga gurmadka abaaruhu waxay ku dhawaaqeen in xaaladu tahay sidii dabdamis oo kale in loo ordo, waxna la gaadhsiiyo dadka iyo duunyada baahan.

Xubnaha guddiga abaaruhu waxay sheegeen in waftiyo isugu jira Culimo awdiin, Ganacsato iyo Warbaahintu laga bilaabo maanta ilaa maalinta Jimcaha ay u  bixi doonaanan jiidaha Sanaag Bari iyo jiida Saylac iyo galbeedkeeda, halkaana ay gaadhsiin doonaan taakulayn, Warfidiyeenkuna ay kasoo warami doonaan xaaladaha ba’an ee abaarta ee jiidahaasi, kuna baahin doonaan qalabka warbaahinta ee kala duwan.

Xubnaha taakulaynta abaaraha ee heer qaran waxay amaaneen gurmadkii cawska ee dadweynaha Gobolka Togdheer u qaadeen dhinaca Gabiley, taasoo guddigu ku tilmaameen talaabo nafqeybsiya oo mudan in lagu daydo .

Guddigu waxay ka codsadeen (durraanteen) dadweynaha in qof walba iska gooyo wixii karaankiisa oo deg deg ah kuna shubo, Akoonada la iclaamiyey, taasoo marka laysku dardaro samata bixin doonta dad iyo duunyo  badan, Waxbintaasi ha ahaato sadaqad, Seko iyo deeq kale oo naxariiseedba.

 

Guddigu waxay sheegeen inay Warbaahintu tahay awood xoog leh oo u dhiganta awooda dhaqaalaha loo uruurinayo gurmadka abaarta

Dhinacooda xubinihii Warbaahinta ee ka  qeyb galay kulanka waxay iskala afnoqdeen, inay qaateen baaqa loogu yeedhay, balan qaadeena inay dardar gelin doonaan hawlaha warbaahineed ee xaaladaha abaaraha  farsamooyinkooda kala duwana, u adeegsan doonaan baahinta xaaladaha abaarta islamarkaana ay halkaasi qaar kamida Hay”adaha Warbaahintu  kaga dhawaaqeen hordhaca qaadheen lacageed.

Xubnaha Warbaahintu waxay sheegeen inaan laga baryeynin ka qeyb galka gurmadka aabaraha, waajibna ay ku tahay muujinta iyo baahinta baaxadda abaaraha ka taagan dalka.

Ugu danbayn waxa uu Gudoomiyaha Guddida Abaaraha ahna madaxwyene ku xigeenku sheegay inay qaylo dhaanta abaaraha gaadhsiiyeen Caalamka gaar ahaan Wadamada Carabta, qaylo dhaantaas oo ay ka soo jawaabeen Imaaraadka Carabta dalkana ay u soo dirayaan wefti heer caalami ah oo u kuurgelaya xaalada abaaraha ee dalka.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here