War-Murtiyeed:Kulankii Dhexmaray Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada Puntland iyo Jubbaland Garoowe,

0
641

Garoowe:(Halsan)-Waxaa booqasho qaadatay 11 ilaal9 Julay 2015 ku yimid magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland wufuud ay kala hogaaminayeen Rey’sulwasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarka iyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islam. Kulan wada-tashi oo ay wada qaateen iyaga iyo Dawladda Puntland ayaa waxaa kasoo baxay qodobada soo socda:

  1. Dastuurka Federaalka Soomaaliya
    Waxay isku raaceen Rey’sulwaaraha Dawladda Federaalka Soomaliya iyo Madaxda Dawladaha Puntland iyo Jubbaland in la ilaaliyo Dastuurka Federaalka iyo hanaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana wax-kasta oo la qabanayo ama la samaynayo loo maro sida uu qabo Dastuurka Federaalka Soomaaliya
  2. Midnimada Ummadda Soomaaliyeed
    Waxay sidoo kale Madaxdu isku raaceen ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo in la adkeeyo amniga guud ee dalka meelna looga soo wada-jeesto cidkasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyada dadka iyo dalka Soomaaliyeed .
  3. Xiriirka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka
    Waxay labada Maamul ee Puntland iyo Jubbaland u gudbiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya aragtidooda ku aadan dhamaystirka dhismaha Dawlad Federaal ah ee Soomaaliyeed oo waafaqsan Dastuurkii lagu heshiiyey, waxayna soo jeediyeen in la xoojiyo wada-tashiga iyo xiriirka wada-shaqayneed ee ka dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah
  4. Did u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed
    Waxay ku baaqeen Rey’sulwasaaraha DFS iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland in la fidiyo gogol dib-u-heshiisiineed oo loo samaynayo bulshada Soomaaliyeed si loo gaaro is-afgarad iyo xal waara.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here