War Murtiyeed: Jaaliyada Beelweynta Abokor Muuse Oo Hambalyo Iyo Taageero U Diraysa Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Talo-Wadaag

0
673

 Salaan qaaliya bahda saxaafada oodweynenews

Waxaa galeedka London ka qabsoomay shalay 20.8.15 shir hanblayo iyo taageero isku jira oo ay qabteen  beelweynta Abokor Muuse oo ku aadan hamblyo iyo taageero ay la garab taagan yihiin Goleweynaha Galool iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Talo Wadaag ee ka qabsoomay degmada Sallaxley ee gobolka Gaaroodi bishan aynu ku jirno 27-28 keedii.

Qodobada dhaxal galka ah ee Jaaliyadu sida diiran u soo dhoweynayso waxaa ka mid ah in shareecada Islaamka la waafajiyo dhamaan macaamilka u dhaxeeya  beelweynta iyo bulshada inteeda kale siiba qadiyadaha la xidhiidha sakada iyo magta.

Waxaa sidoo kale Jaaliyadu bi buuxda u  taageersan tahay qodobka la ku aadan xadaynta caasimada oo xeerkii xadayn lahaa uu hor yaalo golaha baarlamaanka Somaliland mudo 10 sano ah oon aan weli la ansaxin.

Qodbkani wuxuu saamayn toos ah la leeyahay saami qaybsiga golaha deegaanka iyo baarlamaanka intaba, oo waxaa dhacda in (candidate) ka tartamaya caasimadu uu codkiisu ka yimaado ceel sheekh ilaa bulaxaar, mid kalena faraweyne ilaa bali cabane, mid kalena dacar budhuq ilaa cadaadley; halka (candidate) kan isaga codkiisu ku eg yahay madaarka caasimada oo aanu dhaafsiis nayn!  arinkani waa mid qof kasta oo caqli saliim lehi  u muuqda dheeliga,  cadaalad darada iyo saamaynta uu ku leeyahay muwaadiniinta tartamaysa oo aanu si siman loogu garsoorin inay u tartamaan.

Waxaa kale oo beelweyntu cod dheer ku sheegaysaa inay waajib xukuumiya tahay in la gaadhsiiyo dhamaan deegaanka beelweyntu degto adeegyada daruuriga u ah nolosha muwaadinka sida biyaha, cafimaadka, waxbarshada iyo horumarka kale ee ay xukuumadu mas’uulka uga tahay bushadeeda.

Ugu danbayn waxay jaaliyadu taageersan tahay dardar gelinta iyo dhamaystirka Mashruuca wadada cad.

Mahad dhamaanteed Allaah iska leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here