War Farxad Leh:- Halkan Ka Akhriso Magacyada Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag Oo Roobkii Gu’ga Ee Shalay Ku Bilaabmay Uu Ilaa Hadda Uu Ka Da’ayo

0
758

Hargeysa(Halsan): -Wararka naga soo gaadhaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag nagasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo ku teedsan afarta Jiho ee gobolka uu Roobkii Gu’gu ee ku bilaabmay shalay casarkii uu ilaa hadda ka da’ayo.
Deegaanadan uu raxmaadka Eebbe saacadaha badan ka da;ayo ayaa waxay ahaayeen deegaano ay ka jirto xaalad abaareed oo adag oo sababtay dhimashada dad iyo xooloba,taas oo saamayn xoogan ku yeelatay bulshooyinka reer guuraaga ah ee deegaanadaasi.
Waxaana roobkan uu deegaanadaasi ku bilaabay sida naloo sheegay shalay casarkii isaga oo ilaa haddana ka da’aya si wayna u biyo u dhigay una maasheeeyey,waxaan raxmaadkaa Eebe ku qabowsaday bulshooyinka deegaanadaasi ee ay abaartu ku riiqda dheeraatay.
Ilaa hadda lama sheegin wax khasaare ah oo uu gaystay roobkaasi saacadaha badan ka da’aya deegaanadaasi,waxaana deegaanada uu raxmaadkani ka da’ayo kamid ah sida ay Ramaasnews u xaqiijiyeen dad Ceerigaabo ku sugani deegaanada Jiidali, Ximan Gareen, Goof, Boodacadde iyo deegaano kale oo badan oo kamid ahh gobolka Sanaag isla markaana ay ka jirto abaar adagi.
Dhinaca kale wararku waxay intaa noogu darayaan in dhibicda Roobku ay hadda ka tiixayso gudaha magaaladda Ceerigaabo,isaga oo jawiga Ceerigaabona uu yahay mid ka duwan sidii hore isla markaana ay daruuri qarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here