War-degdega:Wasiirka Duulista Hawada Somaliland oo Gelinkii danbe ee Maanta Diyaarad Gurmad ah u diray Ceerigaabo+Halkay ku degtay,Dhaawac & Dakhaatiir ay soo qaadey+Daawo Muuqaal+Sawirro

0
721

Wasiirka Duulista Hawada Somaliland oo Gelinkii danbe ee Maanta Diyaarad Gurmad ah u diray Ceerigaabo+Halkay ku degtay,Dhaawac & Dakhaatiir ay soo qaadey+Daawo Muuqaal+Sawirro

Hargeisa-(Qaran-news)-Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi cabdi ayaa Diyaarad khaasa Maanta gelinkii danbe u diray magaalada Ceerigaabo halkaas oo lagaga soo qaadey Nin dhaawaca oo Cusbitaalka Ceerigaabo tahli kari waayey inuu kafaalo qaado baahidiisa caafimaad oo la sheegay inay Xabadi caloosha fadhido.

Ninkan dhaawaca ah ayaa waxaa toogtay oo labada xabadood oo Nooca Bastoolada ah Caloosha kala helay Inaadeerkiii ruma.Ninka la toogtay iyo ka wax toogaya ayaa waxaa dhalay laba nin oo walaalo ah oo la kala yidhaahdo Ismaaciil Maxamuud iyo Faarax Maxamuud oo ka soo jeeda Beesha Basanbuur-Habar-jeclo sida Ruux ka mid ah xasabadooda u xaqiijiyey warfidiyeenka Qarannews oo khadka Telefoonka Gacanta kula xidhiidhay.

Ninkan Toogashada geystay ayaa markii uu Inaadeerkii toogtay cararay oo aad u dagaalamay sida dad Goobjooga hi u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Qarannews hase yeeshee gacanta lagu dhigay Jeelkana loo taxaabay,waxaana xoggaha Qarannews heshay intaas ku dareen in Ninka wax toogtay isaga laftiisa Askartu dhaawac fudud oo xagga Adinka ah Gaadhsiisey.

Ninka Dhaawaca ah oo Diyaaradu ka soo qaadey Magaalada Ceerigaabo ayaa muddo saacad ka yar ku soo gaadhsiisey Hargeysa,Ninka Dhaawaca ah ayaa waxaa la socday koox Dhakhaatiira oo ka tirsan Cusbitaalka Ceerigaabo oo uu horkacaayey Dr.Carray balse halkaa waxba kaga qaban kari waayey.Ninka Dhaawaca ah ayaa waxaa madaarka Hargeysa loogu diyaariyey Gaadhi Anbalaas ah oo uu leeyahay  Hargeysa international Hospital oo dhakhaatiir Masaari ahi leeyihiin.

Isku soo wada duuboo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Ceerigaabo ayaa Ilo wareedyo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Qarannews in Diyaaraduhu si fudud ugu degi karaan,ugana duuli karaan balse aaney jirin wax diyaarado ah oo ku degaa ama rayid ha lahaado ama hayadi ha lahaatee.

Halkna ka daawo warkaas oo faahfaahsan:-

Xigasho: Qaran

dhawac ceerg

https://youtu.be/0ZVenSuLCvs