Muqdisho(Halsan): – Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana way ku dhaawacantay qarax galinkii hore ee Sabtida ka dhacay magaalada Muqdisho. Qof Bam isku soo rakibay ayaa isku qarxiyay meherad u dhaw madaxtooyada Somalia, halkaasi oo saraakiil dawladda ah iyo saxafiyiintu inta badan isticmaalaan.
Ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ma jirto, hase ahaatee waxaa hore u beegsaday Ururka Al-shabaab. Alshabaab ayaa laba bilood ka hor weerar ku qaaday hotel Muqdisho ku yaala, halkaasi oo ay ku dhinteen ilaa 15 qof.
Mahad Xuseen oo ka tirsan saraakiisha Booliska Somalia ayaa saxaafadda u sheegay inay shaki badan ka qabaan khasaaro balaadhan inuu ka dhashay qaraxa. Sidoo kale qof goobjoog ah ayaa sheegay inuu arkayay tiro dad ah oo dhaawac ah oo Ambalaasku qaadayo, islamarkiibana ciidamadu goobta xidheen.
Wariye ka mid ah kooxdii wariyeyaasha ahaa ee makhaayadda ku sugnaa ayaa u sheegay warbaahinta in ninka is-qarxiyay uu isagoo caadi ah makhaayadda soo galay uuna soo ag-fadhiistay, balse ay ka kala tageen, kaddibna uu si iskiis ah isu qarxiyay.
“Markii ninku noo yimid ayaan ka kala tagnay, markaan ka kala tagnay ayuuna is-qarxiyay ninka, ma jiro wariye ay waxyeello kasoo gaadhay qaraxaas; intii aanu ninku noo imaaana; waxaa noo yimid mid ka mid ah askarta dowladda oo na weydiiyay gaadhi dibadda yaalla oo laga shakiyay cidda iska leh, laakiinse la waayay qofkii lahaa, markaas ayuuna shakigu na galay,” ayuu yidhi saxafiga arrintan ka hadlay.