War-degdega:Mudaharaad hadda ka istaadhmay Oodweyne iyo wuxu daaran yahay+Khasaaraha

0
633

Oodweyne(Halsan):-Waxa oodweyne daqiiqado ka hor ka istaadhmay mudaharaad iskii u abaabulmay ,dadka mudaharaadaya ayaa ka kooban Qeybaha bulshada,Rag,Dumar,Dhalinyaro,Arday Isguul, Shaqaale   & Waayeelka Magaaladaba

Dadka mudaharaadaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ay ka mid yihiin Dollar qaate dooni mayno,Daaquud la soo kiraystay dooni mayno & Erayo kale.

Sababaha Kiciyey Mudaharaadka ee xoojiyey waxaa ka mida Hab-dhaqanka  Wasiirka Warfaafinta Xukumada Siilanyo Cadaani oo Weedho Xanaf & Xajiin badan ku saydhay  Siyaasiyiin  Hayb ahaan ka soo jeeda Beelaha Halkaas dega oo uu awelba maagi jiray balse hadda hadalo gef iyo meel ka dhac ah  ku saydh-saydhay.waxaa kaloo jira cadhooyin isbiirsaday oo wasiirada iyo wakiilada shirkada Genel Energy ka abuureen degaankaa.

waxa xogguhu tibaxyaan in ilaa hadda khasaaraha hantiyeed ku kooban yahay xafiisyo iyo Agabkoodii oo la burburiyey

Source :Qarannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here