Hargeysa(Halsan)- Waxaa maanta Kacan ka Hadal Ku Dhex Martay Fadhigii Golaha Wakiilada Dhexdiisa Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro iyo ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax kadib markii buuq uu ka dhashay markii Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaanada xukuumadda taageersani ay Mooshin keeneen golaha wakiilada Somaliland mooshinkaas oo laba todobaad ka hor xildhibaanada golaha ay laaleen, kadibna C/raxmaan Cirro uu golaha xidhay, waxaana halkaas ku diiday oo microfone-ka ku dhagay Baashe Maxamed iyadoo C/raxmaan Cirro uu feedh kaga fujiyey Baashe Microfone-ka , waxaana halkaas feedhkii isu bedelay sabaaxad iyo dhulka laysla galo.