War degdeg ah:Qarax ismiidan ah oo lala beegsadey Hotel-saxafi-Muqdisho+Is-rasaaseyn weli ka socota Gudaha Hotelka

0
634
Muqdisho(Halsan):-Saaka abaarihii 5:40 ayaa waxaa qarax xooggan oo la sheegay in uu ismiidaamin ahaa lagu weeraray hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, kaas oo ku yaal nawaaxiga KM4.Rasaas xooggan ayaa wali laga maqlayaa gudaha hotelka iyo banaankiisa, waxaana cakiran xaaladda nawaaxiga hotelka oo la sheegay in ay yaalaan meydad badan.Dadka ay waxyeeladi kasoo gaadhay ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku jiraan dad rayid ah oo saarnaa gawaadhida caasiyaasha (Basas yaryar)  kuwaas oo marayay wadada hor marta hotelka.

Khasaarooyin dhimasho & dhaawacba leh ayaa laga soo werinayaa gudaha hotelka, balse wali ma cada tirada.

Wixii faah-faahin ah kala soco Halsan Media