War Degdeg ah: Xildhibaan Baarlammaanka Somaliya Oo Muqdisho Ugu Geeryoodey Dhaawacyada Toogasho Maanta Lala Beegsaday

0
577

Muqdisho(Halsan):- Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka trsan mudanayaasha baarlammaanka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ku geeryoodey magaalada Muqdisho kaddib markii koox hubaysani ay maanta rasaas ku fureen waxaana dhaawacyo kasoo gaadheen qaybaha sare ee jidhkiisa.

 

Xildhibaankan ayaa  xilliga la toogtey wuxu taagnaa Aagga Bacadlihii hore ee Xamar weyne, isla markaana gaari ay niman dabley saarnaayeen uu soo ag-istaagay, dabadeedna ay rasaas la dhaceen.

 

Waxana falka toogashada xildhibaankan sheegtay Ururka Al-Shabaab.

 

Dhinaca kalena Sannadkan gudihiis illaa afar xildhibaan ayaa lagu diley magaalada Muqdisho, iyadoo sanadkii la soo dhaafayna illaa toddoba xildhibaan siyaabo kala duwan loogu diley magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here